
Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan magaalada Copenhegan ee caasimadda dalka Denmark ayaa u sheegay xubnaha Beesha Caalamka ee ka qaybgalaya shirka Somalia loo qabanayo oo berri furmi doona in Soomaaliya aysan ku sii jiri karin curyaannimo.
Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray in dowladda uu hoggaamiyo ay doonayso inay xaqiijiso qorshaha Hiigsiga cusub ee Somalia, kaasoo ah mid ay gacan ka geysanayaan dalalka deeqaha bixiya, ujeeddadiisuna tahay dib u dhiska Somalia iyo horumarinteeda.
“Somalia kuma sii jiri karto marxaladda curyaannimada ah ee ay sannadaha badan kusoo jirtay,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray in caalamku ay ka doonayaan inay ku siiyaan gacan sidii ay dowladda federaalku uga saari lahayd dalka xaaladda uu xilligan ku sugan yahay.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray inay ka go’an tahay inay Soomaaliya doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka, si dadweynuhu u soo doortaan ciddii hoggaamin lahayd, isgaoo rajo wanaagsan ka muujiyay in himiladaas ay dhaboobi doonto.
Xasan Sheekh marna kuma soo qaadin hadalkiisa khilaafka ra'iisul wasaaraha Somalia kala dhexeeya, kaasoo saameyn xooggan ku yeeshay golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada, inkastoo lagu wado in lagu soo qaado shirka Copenhagen ka furmaya.
Shirka Copenhagen ayaa waaxaa ka qayb-galaya ergooyin ka socda dalalka deeqaha bixiya si loo caawiyo Somalia, waxaa kaloo ka qayb-galaya dalalka ay ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin Soomaaliya, si ay shirka ugu soo bandhigaan horumarrada ay ciidamaoodu ka sameeyeen Somalia sannadihii ugu dambeeyay.
Maamulka Somaliland ayaa horay u diiday ka qaybgalka shirkan iyagoo uga dhigay sabab inuu yahay mid looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, uuna yahay mid aan iyaga quseyn.
Ergooyin ka socda ururrada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Afirka, kan Yurub iyo kuwo kale ayaa iyaguna ka qaybgalaya shirka, iyadoo xubnaha uga qaybgalaya uu ka mid yahay Nicholas Kay oo ah ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya.
Shirka Copenhagen oo socon doona laba maalmood ayaa inta uu socdo lagu saari doonaa diiradda Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo aragtida sannadka 2016-ka oo la doonayo in Somalia ay ka dhacdo doorasho, waxaa kaloo laga hadli doonaa sidii uu calaamku qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska Somalia oo ku soo jirtay muddo ka badan 23-sano.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed sii xoogeysanaya oo ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sh. Axmed, kaasoo hay’adaha ku yeeshay saameyn hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya