Afar qof oo ku naf-waayay Rabshado ka dhacay Magaalada Mombasa - Kenya


Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Afar qof ayaa lagu dilay magaalada dekedda leh ee Mombasa oo ku taalla bartiga dalka Kenya kaddib markii uu cirka isku shareeray ammaan-xumo ka dhalatay masjid ay ciidamadu galeen halkaasoo uu ku dhintay hal qof, 200-qof oo kalena laga soo qabtay.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in kooxo careysan oo isugu soo baxay waddooy-inka magaaladaas xalay oo Isniin ahayd, kuwaasoo waday qorshe ay doonayaan inay ku aar-goostaan. Iyagoo intaas ku daray inay ku weerareen midiyo dad shacab ah.

Dadkan careysan oo u badan dhallinyaro ayaa la sheegay inay ka caroodeen laba masjid oo ay ciidamadu xoog ku galeen, kuwaasoo ay sheegeen inay ku jiraan rag xiriir la leh Al-Qaacida iyo Al-shabaab.

"Waxaan baaraynaa dhacdada, waxaana la xiray qaar ka mid ah dadkii lagu eedeynayay rabshadaha,” ayuu yiri taliyaha Ciidamada booliiska magaalada Mombasa, Richard Ngatia.

Sidoo kale, booliiska ayaa sheegay in kooxaha careysan ay weerareen dad ku nool xaafadda Kisauni oo ka tirsan Mombasa, kuwaasoo ay sheegeen in ay wateen billaawayaal iyo qalab kale oo wax dila.

Howlgallada ay booliisku ku galeen masaajidda ku yaalla Mombasa ayaa la sheegay inay ka dambeysay kaddib markii wiil 20-jir ah uu isku dayay inuu bambaano ku tuuro booliiska, balse ay ciidamadu toogteen, ayna ka heleen bastoolad iyo bamkii uu doonayay inuu ciidamada ku weeraro.

Sarkaal ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee HAKI AFRICA oo xarun ku leh magaalada Mombasa, Xuseen Khaalid ayaa cambaareeyay weerarrada ay cioidamadu ku qaadeen masaajidda. Isagoo ku boorriyay ciidamada amniga in ciidamadu aysan u dhaqmin inay xiisadda sii xoojiyaan.

Waddamada reer galbeedka ayaa horay uga digay muwaadiniintooda inay booqdaan magaalada Mombasa iyo qaybo ka mid ah dalka Kenya, cabsi laga qabto in iska-horimaadyada iyo weerarrada mararrka qaar ka dhaca Kenya ay waxyeello kasoo gaarto.

Tan iyo markii ay ciidamada milateriga Kenya gudaha u galeen Soomaaliya sannadkii 2011, waxaa magaalada Mombasa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan, kuwaasoo dowladdu ay sheegto inay ka tirsan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegay mas’uuliyadda weerarro ay dad badan ku dhinteen oo sannadkii iyo sannadkan ka dhacay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo uu ku jiray weerarkii lagu qaaday suuqa gancsiga ee Westgate oo ku yaalla bartamaha Nairobi.

Ciidamada amniga Kenya ayaa tiro wadaadada muslimiinta Kenya ka tirsan, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, ayna Kenya uga qoraan dhallinyaro u dagaalama; taasoo keentay in muslimiinta Mombasa ay ka caroodaan falalka lagu beegsaday mashaa’ikhda muslimiinta Kenya ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya