NUUNOW: Doorashadii ka dhacday Baydhabo ma ahan mid inaga na Quseysa


Talaado, November 18, 2014 (HOL) —  Madaxweynaha maamulka 6-da gobol ee Koonfur galbeed Somalia, Madoobe Nuunow Maxamed oo ka hadlay doorashadii xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inaysan doorashadaasi ahayn mid iyaga quseyn.

Nuunoow ayaa sheegay inuu maqlay in Shariif Xasan loo doortay inuu ka noqdo madaxweyne maamulkii lagu dhisayay Baydhabo, balse isagu uusan waxba kala socon doorashadiisa, isla markaana uusan aqoonsanayn.

“Arrintaas annaga nama quseyso, annaga waxaan jecleyn in la wadahadlo, gogol ayaan fidinnay, waxaan u gudbinnay baarlamaanka maamulka lixda gobol; waxaa la isku raacay in gogol la fidiyo si ay mowqifkooda sharraxaad uga siiyaan kuwa dhisaya maamulka saddexda gobol iyo maamulka Jubba,” ayuu yiri Madoobe Nuunoow.

Sidoo kale, Nuunoow ayaa sheegay in dhankooda ay weli diyaar u yihiin inay la hadlaan cid walba oo tabasho qabta, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid quseysa ciddii sameysatay, maamulkoodana uusan qayb ka ahayn.

“Heshiiskii aan la galnay dowladda waxaa ka mid ahaa in la wada-hadlo si looga hortago inay dhibaatooyin ka dhacaan magaalada, welina diyaar ayaan u nahay inaan heshiiskaas uu sii socdo,” ayuu Nuunow hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Madoobe Nuunow ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay ku baaqeen in muddo laba toddobaad ah la joojiyo shirka Baydhabo, si loo wadahadlo, balse dhinac madaxweynaha doortay ay u muuqdaan kuwo ka tallaabsaday go’aanka madaxda dalka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa shalay lagu doortay xildhihbaan Shariif Xasan Sh. Aadan oo noqday madaxweynaha maamulka saddexda gobol oo ay horay dowladdu u taageersanayd, balse ay xilli dambe go’aamisay in la hakiyo shirka si loo dhameeyo muranno jira.

Shariif Xasan ayaa isla shalay u dhoofay dalka Denmark halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shirka Somalia loogu qabanayo Copenhagen kaasoo socon doona laba casho, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay dowladdu ka qaadan doonto doorashada xildhibaan Shariif Xasan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya