Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Xili xaalad aad u liidata oo dhinaca nolasha ah ay la soo daristay kumanaan qoysas ah oo ka mid ah dadkii ku barakacay fatahaadii dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa NGO-ga Wardi ilaa 2000 oo qoys oo isugu jira kuwii ku barakacay gudaha iyo daafaha magaalada waxaa uu gaarsiiyay deeqdii uu ballaarneyd.
Illaa 1000 qoys oo ka mid ah dadka ka faa’ideystay gargaarka ayaa laga soo xulay afarta xaafadood ee magaalada ka kooban tahay, halka 1000 soo harayna ahaayeen dadkii ku barakacay daafaha magaalada oo la oran karo waa kuwa ugu sii liitay marka la eego daruufaha dhinaca nolasha ah ee dadkan soo food saaray.
Max’ed Isaaq oo ka mid ah saraakiisha Wardi oo la hadllay HOL ayaa ka sheegay ka hor inta aysan ku dhaqaaqin qeybinta gargaarka sameeyeen qiimeyn ay ugu kuuur-galayeen bahiyaha dhabta ah ee dadkan heysta, si leysku waafajiyo gargaarka la siinayo qoysaska iyo waxa ay u baahidooda tahay.
“NGO-ga Wardi qeybinta gargaarkan waxaa uu ku saleeyay baahida dadka, waayo gargaar aad bixiso micno badan ma yeellanayo haddii aadan ku saleynin baahida markaas taagan, siddaa daraadeed 2000-qoys gargaarka aan siinay waxaa uu ka koobnaa, Maacuun, agabka nadaafada loo adeegsado, Baco, Bustayaal dhaxanta laga hoos-gallo, Cagag biyaha lagu shubto, Gogol ay dadku ku seexdaan, iyo gargaar kale oo muhiim u ah dadka barakaca-yaasha ah,’’Qoys kastana waxaa la siiyay intaa oo isku xirran ayuu yiri ‘’Max’ed Isaaq.
Waxaa uu intaa ku darray in mudadii ay soctay qeybinta gargaarka la howlgaliyay shaqaale hubiya in kaalmada la gaarsiiyay dadkii mudnaa ee loogu-talo-galay in loo qeybiyo.
“Labo cisho oo aan howshan wadnay, waxaan ka howlgalayay shaqaalle dhowr ah si aan u hubino in gargaarka la gaarsiiyay dadkii u baahnaa, iyadoo la marayo nidaam aynu u degsanay hubinta arrintan ayuu inta raaciyay.
Dhinaca kale, hay'adda ayaa ka hergaliyay xeryaha barakacayaasha xarumo caafimaad oo si bilaash dadka loogu fidiyo gargaar caafimaad, waxaana xarumahaas maalin walba taga oo booqda boqolaal ruux oo u badan haween iyo caruur ka cabanaya xanuuno kala gadisan oo ka hella hadba dawada ay u baahan yihiin.
Arrinta kale ee in la xuso mudan ayaa ah in NGO-ga Wardi uu kaalin weyn ka geystay siddii looga gaashaaman in wabigu ku fataho xaafaddaha kale ee magaalada, iyaga oo ku deeqay waqtigii ay fatahaadu jirtay kumanaan kuno oo Jawaanno ah kuwaasoo inta la carro buuxiyo la dhigayo meelaha la is leeyahay wabigu waa uu ka soo jabsan karaa.
Qoysaska gargaarka ka faa’ideystay ayaa siweyn ugu mahad celiyay Wardi iyo howl-wadeenada ka shaqeeya, iyaga oo sheegay in kaalmadan tahay tii ugu ballaarneyd ee waayadii ugu danbeeyay la gaarsiiyo.
“Waan ka mahad-celineynaa gargaarka nala soo gaarsiiyay, Wardi waxaan leenahay waad mahadsan tahay, watigii aynu u baahneyn ayayna siiyeen kaalmada, annaga cid kale oo aan aragnay mana jirto, waa gargaarkii ugu horeeyay oo aan helno ayuu yiri,’’ Cismaan Sugulle oo ka mid ah dadkii hellay deeqda.
Marka laga soo tago howlaha gargaarka ee lagu caawinaya dadka ay lasoo darsaan daruufaha nolaleed, NGO-ga Wardi waxaa uu sanadkii labaad gacanta ku hayaa qeybta caruurta isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ay ka howlgalaan tiro shaqaalle ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya