Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Wasiirka diinta iyo owqaafta ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulan aan caadi aheyn oo golaha wasiirradu ay ku yeesheen Muqdisho, kaasoo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ridwaan ayaa sheegay in kulanka golaha wasiirada looga hadlay arrimo u badan xaaladda uu dalku ku sugan yahay, sida amniga, iyadoo sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala ah; xuduudaha iyo federaalka iyo hindise sharciyeedka doorashada oo ay soo bandhigtay wasaarada arrimaha gudaha.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay talo soo-jeedin ka timid qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda ee ahaa inuu is-casilo RW Somalia, isagoo sheegay in arrinkaas ra’iisul wasaaruhu uu horay uga hadlay, balse wuxuu qiray inay jirto kala aragti duwanaan siyaasadeed.
DHAGEYSO: Shirkii Jaraa'id ee Golaha Wasiirrada Somalia
“Wasiirkii aan la jaan-qaadi karin shaqada ra’iisul wasaaraha, waxaa u furan inuu is casilo, ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo magacaabi doonaa wasiirkii lagu bedeli lahaa,” ayuu Ridwaan ku yiri shirkiisa jaraa’id.
Ridwaan oo ka hadlayay go’aanka xukuumadda ee shirkii Baydhabo oo loogu doortay xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa sheegay in xukuumaddu ay dib go’aan uga soo saari doonto, laakiinse uusan isagu doonayn inuu sii hordhaco go’aanka xukuumadda.
Kulankii golaha wasiirrada ee maanta ayaa intii uu socday waxaa ka baxay 17 xubnood oo isugu jiray wasiirro iyo wasiir ku xigeenno, kuwaasoo warqad ay kaga dalbanayaan RW Somalia u gudbiyay inuu is-casilo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




