
Talaado, November 18, 2014 (HOL) —Weriye C/risaaq Cali Cabdi (Silver) oo ka tirsanaa telefishinka Horn Cable iyo Radio Daljir xaruntiisa Gaalkacyo ayaa fiidnimadii caawa lagu dilay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Weriyahan oo kamid ahaa kuwa ugu caansan Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug waxaa sida dad goob joogeyaal ahi sheegeen salaadii cishaha kadib madaxa dhowr xabadood kaga dhuftay labo nin oo dhallinyaro ah oo baaskoolado ku hubeysnaa.
Goobta dilku ka dhacay oo ah bartamaha magaalada gaar ahaan halka loo yaqaanno Xero Daraawiish waxaa daqiiqado kadib soo gaarey ciidamada booliska. Weriye Silver oo horay uga soo shaqeeyey idaacadaha Codka Nabadda iyo Radio Gaalkacyo wuxuu ifka uga tagay labo caruur ah hooyadood.
Saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley shan weriye oo AHN Cabdirisaaq Cali Silver kamid yahay kuwaasoo saddex kamid ahina ka tirsanaayeen shaqaalaha Radio Daljir.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya