
Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Warbixin uu soo saaray machadka ammaanka iyo dhaqaalaha ayaa lagu xusay in weerarada ay dunnida ka gaysteen ururrada argagixisada loogu yeero ee Al-Qaacida ku xiran sannadkii hore ee 2013-ka ay kordheen qiyaastii 61%.
Warbixinta oo aad u dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxaha xiriirka la leh Al-Qacida ee ka dagaalama dalal badan oo caalamka ah inay sannadkii hore gaysteen 17,958 weerar, kuwaasoo ay ku naf-waayeen dad ka badan 18,000 oo ruux.
Ururada Daacish, Boka Xaraam iyo Dalibaan ayuu machadku ku sheegay warbixintiisa inay yihiin ururrada ugu badan ee geystay weerarrada ugu khasaaraha badan ee caalamka ka dhacay sannadkii hore.
Machadka nabada iyo dhaqaalaha ayaa warbixintiisan ku sheegay in waddanka Ciraaq uu noqday dalka ugu badan ee ay ka dhaceen weerarrada dadka ugu badan ay ku naf-waayeen.
Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu xusay in Somalia ay ka mid tahay shanta waddan oo weerarrada ugu badan ay ka dhaceen sannadkii hore ee 2013, iyadoo ay ka horreeyaan dalalka Ciraaq, Bakistaan, iyo Hindiya.
Al-Shabaab oo Somalia ka dagaalanta kuna xiran Al-Qaacida ayuu machadku ku sheegay in sannadkii hore ee 2013-ka ay Soomaaliya iyo Kenya ka geysteen weerarro ay ku geeri-yoodeen dad badan.
Xoghayaha machadka, Steve Killelea ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee Al-Qaacida ku xiran ay kordhiyeen weerarrada ay ka geystaan wadamada ay ka dagaalamaan sannadkii hore, isla markaana ay dad badan ku dileen 2013 weerarradii ay caalamka ka geysteen, wuxuuna xusay weerarradan intooda badan loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin iyo qaraxyo lagu soo xiray gaadiid isugu jira.
Marka la isku daro dalalka Siiriya, Afgaanistaan, Baistaan iyo Nigeria ayaa la sheegay in kooxaha ka dagaalama ay ku dileen sannadkii 2013 dad gaaraya 14,722, halka dalka Ciraaq oo kaliyana ay lagu ku dileen 6,362 oo qof.
Ugu dambeyn, warbixinta si guud looguma sheegin tirada dadka Al-shabaab ay ku dishay weerarradii ay ka geysteen Soomaaliya iyo Kenya oo ay inta badan weerarradooda ka fuliyaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya