Cayaaraha kubada cagta ee Jaamacadda Muqdisho ee 2014-2015 oo bilawday


Talaado, November 18, 2014 (HOL) —Taariikhdu markay ahayd 17-ka Nov, 2014-ka ayaa waxaa ka billowday garonka kubadda cagta ee Minashiibiyo ciyaaraha kubadda cagta ee Jaamacadda Muqdisho.

Koob loo tartamayo oo loogu magic-daray, Dr. Axmed Jimcaale Maxamed (Kaastaro) ayay ku tartamayaan dhammaan kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacadda Muqdisho ka kooban tahay ayaa si rasmi ah, iyadoo dhamaan kooxuhu ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay kooban ku hanan lahaayeen.

Furitaankii koobka ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin kala duwan ka kala socday xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, mas'uuliyiinta Jaamacadda iyo kooxda martida loo ahaa ee Banaadir Sports.

Mas'uuliyiintii ka hadlay furitaanka waxaa ka mid ahaa madaxa ciyaaraha jaamacadda Muqdisho, Daa'uud Muuse Daa'uud oo sheegay in jaamacadda Muqdisho aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay ciyaaro qabato, isagoo kula dardaaramay ciyaartoyda inay soo bandhigaan cayaaro wanaagsan oo ay ku dheehan yihiin aqoon iyo anshax.

Sidoo kale, waxaa isna hadal mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jiray halkaa kasoo jeediyay Abuukar Sheekh oo u mahadceliyay Jaamacadda Muqdisho oo mar kasta ka shaqeysa is-dhexgalka bulshada iyo horumarinta shacbiga Soomaaliyeed.

Gaba-gabadii waxaa goobta ka hadlay mas’uulka arrimaha ardayda ee Jaamaacadda Muqdisho, Maxamuud Sheekh Cali C/llaahi ayaa sheegay in ujeeddada ugu wayn ee ay Jaamacaddu ka leedahay tartankan ay tahay in la soo saaro cayaaryahan ka dhisan dhinaca aqoonta iyo anshaxa wanaagsan, waxaana furitaankii ciyaarahan ku dhawaaqay mas’uulka arrimaha ardayda ee Jaamacadda Muqdisho.

Cayaartii ugu horreysay ee koobkan lagu furay ayaa noqday labada kooxood ee ka kala socday kulliyadda caafimaadka iyo kuliyada dhaqaalaha, waxayna ciyaartaasi kusoo idlaatay oo ay isla dhaafi waayeen 1-1 ama bar-bar dhac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya