Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Maamulka Jubba ayaa si diiran usoo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee madaxweeynaha maamulka koonfur galbeed ee ka kooban sedexda gobol loogu doortay Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan madaxweeynaha cusub ee maamulka koonfur galbeed isagoo tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay hogaanka cusub ee ay yeeshaan gobollada Bay, Bakool iyo shabeelaha hoose.
Mr. Seeraar ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaa maamulka kasta oo ku yimaada hab dastuuri ah iyo weliba rabitaanka shacabka, maamulka cusubna ay iska kaashan doonaan dhinacyada horumarka iyo weliba la dagaalanka xoogagga Al-shabaab.
Maalinimadii isniinta ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo uu ku guuleystay xilka madaxweeynaha maamulka koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hore usoo noqday afhayeenka baarlamanka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay hogaanka cusub ee maamulka K/galbeed
More News
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Soomaaliya kuma sii jiri karto Curyaannimo”
- Weriye Cabdirasaaq Cali Silver oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
- Afar qof oo ku naf-waayay Rabshado ka dhacay Magaalada Mombasa - Kenya
- Hay’adda Wardi oo gargaar gaarsiisay qoysaskii ay fatahaaduhu Barakiciyeen
- Weeraradii ay Kooxaha ku xiran Al-Qaacida geysteen 2013-ka oo la shaaciyay
- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo loogu deeqay buugta wax laga barto
- Muqdisho oo Daaha looga Rogay Hindisaha Cilmi-baarayaasha Dhallinyarada
- Abwaan Sangub oo loo Doortay Guddoomiyaha G. Abwaannada Soomaaliyeed
- Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo xalay la dilay
- Madaxweynaha Puntland oo Booqday Xerada Cidamada Daraawiishta 54-aad
- Wasiir ka hadlay codsigii Is-casilaada ahaa ee RW loo Gudbiyay (DHAGEYSO)
- Maamulka Puntland oo soo Dhaweeyay Doorashadii Baydhabo ka dhacday
- Cayaaraha kubada cagta ee Jaamacadda Muqdisho ee 2014-2015 oo bilawday
- Ciidanka Amniga Somaliland oo Xalay Qabtay Idaacada FM ah oo Guurguurta
- Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan oo RW Somalia ka dalbaday inuu is-casilo
- Dhallinta dhibka kawada Islii oo lagu eedeeyay inay la Shaqeeyaan Booliiska
- Wasiirka A. Gudaha oo soo dhaweeyay doorashadii Shariif Xasan+DHAGEYSO
- NUUNOW: Doorashadii ka dhacday Baydhabo ma ahan mid inaga na Quseysa