
Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Xubin ka tirsan golaha deegaanka xaafada Islii ee oo hoos timaado degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa ku eedeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhibaatada ka wado xaafadaas iney la shaqeeyaan Ciidamada Booliska saldhiga Pangani ee laga maamulo Islii.
Wakiilka Golaha Deegaanka ee Waqooyiga Eastleigh Cusmaan Cadoow Ibraahim, ayaa sheegay iney wada shaqeyn ka dhaxeyso kooxaha kala duwan ee ay ku bahoobeen dhalinyarada dhibaatada ka sameyo Islii iyo waliba ciidamada ku sugan saladhiga Booliska Bangani. Wuxuuna intaas ku daray marka la damco in xiro dhalinyaradaas oo la geeyo saldhiga Pangani in lacago ay qataan askartu kadibna ay sii dayaan.
DHAGEYSO: Wareysiga Cismaan Caddoow uu siiyay HOL
Askarta ka tirsan Saldhigaas, ayuu ku eedeyay Mudanuhu iney xiraan dhalinyaro aanan wax galabsanin halkii ay ka qaban lahaayeen kuwa dhibka wado, wuxuuna sheegay in dhawaan laga furi doono Islii Saldhig cusub kaasoo uu rajo ka muujiyay inuu wax badan ka badali doono ammaan xumida ka jirto Eastleigh.
Dhanka kale, Cismaan Cadoow oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online (HOL) ayaa ka waramay Mootooyin dhawaanahaan ku soo badanaayay Islii oo hab ganacsi oga dhex shaqeeyo Xaafada, balse dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan dadka deegaanka madaama xawaare dheer lagu ka xeeyo.
Wuxuu sidoo kale ka waramay nadaafad xumida ka jirto Islii xilli qashin lagu dhex daadiyo goobaha ay dadku ku ganacsadaan iyo waliba dhismo lagu wado qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee dhex maro xaafadaas, isagoona marka hore nooga waramay sida ay hada tahay xaalada xaafada.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya