
Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay xukuumaddu ay soo dhoweyneyso doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay xilkan loo doortay, isagoo doorashada ku tilmaamay mirihii kasoo baxay shir muddo dheer soo socday.
Goodax ayaa sheegay in doorashada Shariif Xasan ay ku timid xilli uu soo socday shirka muddo dheer lana filayay in miraha shirkaas ay soo baxaan, isagoo ugu hambalyeeyay Shariif Xasan doorashadiisa.
“Xukuumad ahaan aad iyo aad ugu faraxsanahay una soo dhoweyneynaa in shaqo muddo dheer loo fadhiyay inay soo gaba-gabowdo oo shacabka ku nool saddexda gobol ay ugu dambeyn yeesheen maamul,” ayuu yiri Goodax ku sheegay wareysi uu maanta VOA-da siiyay.
DHAGEYSO: Codka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya
Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in xildhibaanku uu yahay nin siyaasi ah oo muddo fog kusoo jiray siyaasada dalka, isla markaana uu aaminsan yahay inuu wax badan ka qaban karo xaalada gobolladaas ay ku sugan yihiin.
Mar la weydiiyay in go’aan madaxda dowladda Soomaaliya horay uga soo baxay ee ahaa in shirkaas la hakiyo ayuu ku jawaabay in markii hore la damacsanaa in shirka la hakiyo, maadaama cabsi laga qabay in shirkaas ay saameyn ku yeelato siyaasada Xamar ka jirta.
“Markii la damacsanaa shalay in la joojiyo waxaa jirtay cabsi laga qabay in siyaasada Xamar ka jirta ay saameyn ku yeelato, haddii ay fududeeyeen howshana sabab aan u dhahno lama aqoonsanaayo meesha ma taallo,” ayuu yiri wasiirku hadalkiisa ku daray.
Su’aal ahayd in hadalkan ay xukuumadda oo dhan la qabto ayuu xusay in ka wasaarad ahaan iyo ka xukuumad ahaanba ay soo dhaweynayaan hogaanka Koonfur-galbeed ee lagu doortay magaalada Baydhabo.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay horay u sheegay inay aqoonsan doonin natiijo walba oo shirka Baydhabo kasoo baxda, xilli shalay la isku diyaarinayay doorashada madaxweynaha maamulkaas. Lamana oga go’aanka hadalka ay madaxda dowladdu ka dhihi doonaan doorashadaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya