Abwaan Sangub oo loo Doortay Guddoomiyaha G. Abwaannada Soomaaliyeed


Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub) ayaa loo doortay maanta guddoomiyaha golaha abwaannada Qaranka Soomaaliyeed, kaddib munaasabad ka dhacday Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay abwaannada Soomaaliyeed ee dalka ku sugan, waxaana ugu horeyn ka hadlay afhayeenka golaha Cismaan C/llaahi Guure oo sharraxaad ka bixiyay waxqabadkii golaha abwaannada tan iyo markii la aasaasay iyo heerka uu maanta marayo.

“Waa maalin weyn maanta, maadaama golaha abwaannada Soomaaliyeed uu hoggaamin doono abwaan Sangub oo taariikh ku leh fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,” ayuu yiri afhayeenka golaha abwaan Guure.

Sidoo kale, golaha ayaa guddomiye ku xigeenka waxaa looga dhigay, Xirsi-dhuux Max'ed Weheliye, halka guddoomiye xigeenka labaadna uu noqon doono, Cabdulqaadir Abaabul iyadoo xoghayaha golahana uu noqday Aadan Biid oo dhamaantood fanka Soomaaliyeed laga dhex-yaqaanno.

DHAGEYSO: Erayadii uu Abwaan Sangub uu ka yiri Xafladda

Guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonaan golaha abwaananada, isla markaana u ballan-qaaday xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Ugu dambeyn, Abwaan Sangub oo xafladda ka hadlay ayaa ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday taageero si loo muujiyo fanka iyo suugaanta, taas oo uu sheegay inay muddo dheer ahayd mid aan muuqan.

"Innagu siyaasiyiin ma nihin, waxaana nahay bulshada Qaranka... Fannaankuna waa inuu ahaado mid u shaqeeya dowladdiisa, dadkiisa iyo Qarannimadiisa, cid walba oo naga dal-bata inaan qayb ka qaadanno xallinta khilaafka siyaasadeed ee madaxda dalka diyaar ayaan u nahay, maadaama aanan ahayn dad dan gaar ah leh," ayuu yiri Sangub.

Abwaan Sangub ayaa xusay in fanku yahay dawada Qaranka, cid uu garab gaar ah siinayo ma jirto, waxaana codsanaynaa buu yiri si aan Qarankeena u daweynno in garab nala siiyo, cid walba oo dani naga gashana ay nala shaqeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya