Ciidanka Amniga Somaliland oo Xalay Qabtay Idaacada FM ah oo Guurguurta

Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xalay qabtay  qalabkii Idaacad FM ah oo si qarsoodi ah magaaladda Hargeysa looga dhagaysan jiray habeenkii, taas oo barmaanijyo iyo Heeso ka dhan ah xukuumadda siideyn jirtay.

Idaacadan ayaa muddooyinkii u dambeeyey habeenkasta sagaalka habeenimo ilaa kow iyo tobanka habeenimo laga dhegeysan jiray magaaladda taas oo si weyn u raadin jireen ciidanka amniga, haseyeeshee xalay ayaa iyadoo idaacaddu si toos ah u socota loogu soo gallay gurigii ay ku dhuumanayeen oo ku yaallay Koonfurta magaaladda Hargeysa,  taas oo la sheegay in lagu qabtay afar qof iyo qalabkii ay isticmalaayeen.

Taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa xaqiijiyay in la soo qabtay idaacadaas ka dib baadhis ay muddo ku hayeen Boolisku. Wuxuu sheegay in lala soo qabtay afar nin oo uu sheegay inay hawsha baahinta ku dhex jireen.

Idaacadan ayaa la odhan  jiray Baadi Goob, kuwaas oo sii deyn jiray heeso qaraami u badan oo ka dhan ah xukuumadda, isla markaana lagu daacadayeen jiray xukuumadda, isla markaana dadka lagu baraarujinayey inay xukuumaddu ku fashilantay wixii loo soo doortay.

Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn isku weydiin jirtay Idaacadda iyo halka laga leeyahay, iyado muddo badana ciidanka iyo sirdoonkuba raadinayey, haseyeeshee xalay ku guulaysteen in la soo qabto afar shaqaalle ah iyo qalabkii ay isticmaalayeen, inkastoo wali la helin qalabkii weynaa ee baahinayey wararka ee war laliyihii.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland