Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay degmada Baydhabo ka dhacday ee madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya loogu doortay Shiriif Xasan Shiikh Aadan.
Afhayeenka Puntland Cabdilaahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Puntland soo dhoweynayso doorashadii Baydhabo ka dhacday iyo guud ahaan shirkii mudada dheer soo socdey ee lagu soo dhisay Maamulka Koonfur Galbeed.
"shirkaaas ka dhacay Baydhabo ee lagu dhisay maamul goboleedka saddexda gobol ee Koonfur Galbeed, madaxweynahana loogu doortay Madaxweyne Shiriif Xasan, Dowlada Punland way soo dhoweysey..." Quraan-jecel ayaa yiri.
Af-hayeenka Puntland wuxuu intaas ku daray in Maamulka Koonfur Galbeed yahay mid buuxiyey shuruudihii maamul goboleedyada ee dastuurku dhigayey islamarkaana yahay mid qaab sharci ah lagu dhisay.
Dowladda Federaalka ayaa horay u amartay in si kumeel gaar ah loo hakiyo shirkii mudada dheer Baydhabo ka socdey ee shalay Shiriif Xasan Shiikh aadan loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale qoraal shalay oo Isniin ahayd kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashada, maadaama ergada iyo guddiga qaban qaabaduba khilaafeen qodobadii horay loogu heshiiyey kana madax adaygeen inay qaataan amarrada Dowladda.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Maamulka Puntland oo soo Dhaweeyay Doorashadii Baydhabo ka dhacday
More News
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Soomaaliya kuma sii jiri karto Curyaannimo”
- Weriye Cabdirasaaq Cali Silver oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
- Afar qof oo ku naf-waayay Rabshado ka dhacay Magaalada Mombasa - Kenya
- Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay hogaanka cusub ee maamulka K/galbeed
- Hay’adda Wardi oo gargaar gaarsiisay qoysaskii ay fatahaaduhu Barakiciyeen
- Weeraradii ay Kooxaha ku xiran Al-Qaacida geysteen 2013-ka oo la shaaciyay
- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo loogu deeqay buugta wax laga barto
- Muqdisho oo Daaha looga Rogay Hindisaha Cilmi-baarayaasha Dhallinyarada
- Abwaan Sangub oo loo Doortay Guddoomiyaha G. Abwaannada Soomaaliyeed
- Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo xalay la dilay
- Madaxweynaha Puntland oo Booqday Xerada Cidamada Daraawiishta 54-aad
- Wasiir ka hadlay codsigii Is-casilaada ahaa ee RW loo Gudbiyay (DHAGEYSO)
- Cayaaraha kubada cagta ee Jaamacadda Muqdisho ee 2014-2015 oo bilawday
- Ciidanka Amniga Somaliland oo Xalay Qabtay Idaacada FM ah oo Guurguurta
- Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan oo RW Somalia ka dalbaday inuu is-casilo
- Dhallinta dhibka kawada Islii oo lagu eedeeyay inay la Shaqeeyaan Booliiska
- Wasiirka A. Gudaha oo soo dhaweeyay doorashadii Shariif Xasan+DHAGEYSO
- NUUNOW: Doorashadii ka dhacday Baydhabo ma ahan mid inaga na Quseysa