Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Machadka daraasaadka Soomaalida ee ISOS ayaa daah-furay hindisaha cilmi-baarayaasha dhallinyarada Somalia (Somali Young Researchers Initiative), iyadoo talogalay in ardayda maraya tacliinta heer jaamacadeed loo diyaariyo in ay mustaqbalka noqdaan cilmi-baarayaal ka shaqeeya daraasaadka Soomaaliya.
Daahfurka hindisahan ayaa waxaa lagaga dhawaaqay xaflad ballaaran oo machadka ISOS uu ku qabtay hoolka kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Muqdisho maalintii Isniintii shalay.
Xafladda ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin iyo aqoon-yahanno kala duwan; kuwaasoo dhammaantood hoosta ka xariiqay baahida Soomaaliya u qabto in cilmi-baaris iyo daraasad lagu sameeyo qaybo kala duwan sida siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, taariikhda, khayraadka iyo kuwo kale oo badan.
Machadka daraasaadka Soomaaliya - Institute for Somali Studies ISOS waa xarun cilmi-baariseed oo raacsan Jaamacadda Muqdisho. Machadku wuxuu sameeyaa hawlo kala duwan ee cilmi-baariseed.
Howshan waxay ka mid tahay howlihii uu qabtay machadka, adigoo ka heli kara haddii aad u baahan tahay waxqabadka machadka ISOS, booggiisa www. facebook.com/isos.mu.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya