Madaxweynaha Puntland oo Booqday Xerada Cidamada Daraawiishta 54-aad
Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka booqasho ku tegey xerada Ciidamada Daraawiishta 54-aad ee ku taalla duleedka magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn wanaagsan kala kulmay ciidanka Daraawiishta Puntland ee xeradaas isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka iyo kooxda baambeyda Puntland.
Intaas kadib wuxuu Cabdiweli Gaas warbixino ku saabsan xaaladda ciidanka ka dhegaystey saraakiisha iyo qaar kamid ah askarta halkaas ku sugan kuwaasoo si faah faahsan uga sheekeeyey baahiyaha ciidanku qabo islamarkaana ballan qaaday in shaqada ay dalka u hayaan sii dardar gelin doonaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaaday in dowladdu dib u habeyn ku sameyn doonto ciidamada iyadoo ku dadaali doonta sidii dhamaan baahiyaha ciidanka si deg deg ah looga jawaabi lahaa.
Bilo kahor Madaxweynaha Puntland wuxuu sidan oo kale u booqday fariisimaha ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Galgala.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
More News
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Soomaaliya kuma sii jiri karto Curyaannimo”
- Weriye Cabdirasaaq Cali Silver oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
- Afar qof oo ku naf-waayay Rabshado ka dhacay Magaalada Mombasa - Kenya
- Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay hogaanka cusub ee maamulka K/galbeed
- Hay’adda Wardi oo gargaar gaarsiisay qoysaskii ay fatahaaduhu Barakiciyeen
- Weeraradii ay Kooxaha ku xiran Al-Qaacida geysteen 2013-ka oo la shaaciyay
- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo loogu deeqay buugta wax laga barto
- Muqdisho oo Daaha looga Rogay Hindisaha Cilmi-baarayaasha Dhallinyarada
- Abwaan Sangub oo loo Doortay Guddoomiyaha G. Abwaannada Soomaaliyeed
- Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo xalay la dilay
- Wasiir ka hadlay codsigii Is-casilaada ahaa ee RW loo Gudbiyay (DHAGEYSO)
- Maamulka Puntland oo soo Dhaweeyay Doorashadii Baydhabo ka dhacday
- Cayaaraha kubada cagta ee Jaamacadda Muqdisho ee 2014-2015 oo bilawday
- Ciidanka Amniga Somaliland oo Xalay Qabtay Idaacada FM ah oo Guurguurta
- Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan oo RW Somalia ka dalbaday inuu is-casilo
- Dhallinta dhibka kawada Islii oo lagu eedeeyay inay la Shaqeeyaan Booliiska
- Wasiirka A. Gudaha oo soo dhaweeyay doorashadii Shariif Xasan+DHAGEYSO
- NUUNOW: Doorashadii ka dhacday Baydhabo ma ahan mid inaga na Quseysa