
Axad, May 04, 2014 (HOL) — Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga hadlay doorka haweenku ay ka qaadan karaan dib-u-heshiisinta iyo horumarka dalka.
Kulankan oo ururku soo agaasimay ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha ururka iyo qaar ka mid ah haweenka ku nool Muqdisho, waxaana kulanka lagu faaqiday sida ay haweenka Soomaaliyeed u suurogelin karaan ka qaybqaadashada horumarinta iyo dib u heshiisiinta dalka.
Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay dhexdooda u qaban lahaayeen gogol-nabadeed, si looga wada-shaqeeyo dib-u-heshiisiin guud ee dalka si loo helo nabad waarta.

“Shirkan waxaa gun-dhig u ah in haweenka Soomaaliyeed ay gogosha nabadda fidiyaan, in dib-u-heshiisiin dhab ah ay billaabaan, in dhexdooda ay ka billaabaan nabadda ayna dalka iyo dadkaba u duceeyaan,” ayay tiri Batuulo Sheekh.
Aamino Maxamed Mursal oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa xustay in haweenku ay yihiin dowlad ku nool, loona baahan yahay inay meel kasta oo ay joogaan ka qeyb qaataan horumarinta iyo nabadeynta dalka, iyadoo xustay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii haweenka loogu baraarujin lahaa ka shaqeynta nabadda iyo horumarinta dalka.
Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jira sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dub-u-heshiisiinta dalka, maadaama ay iyagu yihiin laf-dhabarka bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya