Axad, May 04, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah goddoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay hanjabaad ay Al-shabaab ku sheegtay inay ku beegsanayso.
Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar-weyne, Cabdullaahi Sahal Gardhuub iyo guddoomiyihii degmada Boondheere, Cabdullaahi Istakiin ayaa labaduba xusay inaysan wax cabsi ah ku hayn hanjabaadda Al-shabaab.
“Hanjabaadda Al-shabaab waan maqalnay wax cabsi ah oo ay nagu haysanna ma jirto, waayo innaga iyo iyaga awalba wax heshiis nama dhex oollin, waana beegsanaynaa,” ayay yiraahdeen labadan mas’uul ee xilalka laga qaaday.
Sidoo kale, mas’uuliyiintan ayaa sheegay inay weli haystaan hubkooda ayna ka go’an tahay inay u ugaarsadaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan sida ay iyaguba u ugaarsanayaan.
Madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay maanta inay beegsanayaan guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ku eedeeyay inay dhibaatooyinkii ay horay ugu geysteen shacabka aan loo cafin doonin.
Goodiska Al-shabaab ee ku aaddan inay beegsanayaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay ay Al-shabaab qarax ku dishay xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya