Axad, May 04, 2014 (HOL) — Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa qorsheynaya in ay u gudbiyaan Maxkamaddda Cadaaladda ee Midowga Yurub (ECJ) dacwad ka dhan ah xayiraaddii ay Dowladda Britain kusoo rogtey qaadkii dalkeeda looga soo dhoofin jirey dhanka Kenya.Af-hayeenka ganacstada Kenya Kimathi Munjur, ayaa sheegay in joojinta qaadku ay saameyn weyn ku yeelatay nolol-maalmeedka ganacstada qaadka dhoofisa ee Kenyanka ah.
"Cabsida ugu weyn ee aan qabnaa waa inaan lumino suuqii ugu weynaa ee aan qaadka u dhoofin jirney" Kimathi Munjur ayaa sidaas shalay u sheegay wargeyska The Star ee dalka Kenya kasoo baxa.
Wuxuuna intaas ku daray in ay qorsheynayaan sidii ay badeecaddooda suuqyo cusub ugu heli lahaayeen isagoo xusay inay ku guuleysteen inay qaadka geeyaan dalalka Malawi iyo Mozambique, inkastoo sida uu sheegay xaddiga ay u baahan yihiini uu yahay mid kooban.
Qiyaas ahaantii 20tan oo qaad ah ayey asbuuc walba Kenya afar jeer u dhoofin jirtey dalka ingiriiska, waxaana kasoo geli jirtey lacag adag oo lagu qiyaasay 1.4 milyan oo shilinka Kenya ah.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska ku nool ayaa si weyn usoo dhoweeyey go'aanka Dowladda Britain ee ku aaddan xayiraadda qaadka, maadaama dadka qaadka cuna ee Ingiriiska ku nooli ay badankoodu geeska Afrika kasoo jeedaan Soomaaliduna ay qayb weyn ka tahay.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya