Madaxweynaha Puntland iyo Ra'iisul Wasaaraha Yemen oo Sanca ku kulmay


Axad, May 04, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen wuxuu kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Yemen Maxamed Basindawa.

Kulanka oo muddo saacad ka badan qaatay waxaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin: xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo weliba sidii ay is-kaashi uga yeelan lahaayeen dhanka ammaanka iyo ganacsiga.

Go'aammada kulankaas kasoo baxay waxaa ugu muhiimsanaa: in dowladda Yemen ay qunsul usoo dirsato magaalada Garoowe, taas beddelkeedana Puntland ay qunsul u dirsan doonto magaalada Sanca.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweyne Gaas ayaa inta uu Yemen ku sugan yahay wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Madaxweynaha Yemen Cabdulrabbi Mansuur Haadi oo ay arrimo muhiim ah ka wada hadli doonaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa inuu Sanca kulan kula qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan, gaar ahaan kuwa deegaanada Puntland kasoo jeeda.

Waa booqashadii ugu horreysey oo Madaxweynaha Puntland u ku tago dal Qaaradda Afrika ka baxsan tan iyo markii la doortay bishii Janaayo ee sanadkan 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya