Wasiir ku baaqay in dadka biyo la’aantu hayso lala gaaro gargaar degdeg ah

Axad, May 04, 2014 (HOL) — Wasiirka Tamarta iyo biyaha xukuumadda Somalia Jaamac Maxamed Axmed Maxamuud (Jaamac Oday) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Jaamac Oday ayaa shirkiisa jaraa’id baaq ugu diray shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta, kuwaasoo uu ka dalbaday inay inay gargaar u fidiyaan shacabka biyo la’aantuy ku haysato deegaanno ka tirsan dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa wuxuu sheegay in dadkaas xaaladda adag ku jira ay deg-deg loola gaaro biyo si ay uga samata-baxaan biyo la’aanta deegaanada ay ku nool yihiin ka jirta.

“Dadka hantida leh ee Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada biyo la’aaneed haysato,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in xaalad abaareed oo aad u xun ay ka jirto deegaanno ka tirsan gudaha Soomaaliya, isagoo xusay inay keentay inay dad u dhintaan biyo la’aanta.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xusay in abaaraha gobollada dalka qaarkood ka jira ay sabab u tahay xilli roobaadkii guga ee la filayay inay xilliyadan oo kale dalka Soomaaliya oo dhan ka da’aan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dad badan ay u dhinteen biyo la’aan, kuwaasoo u badnaa caruur iyo haween, iyadoo wararku ay sheegayaan inay jiraan xoolo fara badan oo iyaguna harraadka u dhintay.

Dowladda Soomaaliya oo horay looga dalbaday inay gargaar lasoo gaarto dadka ay biyo la’aantu ku hayso deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan ayuu kasoo yeeray wasiirkan xukuumadda ka tirsan inay dadka hantida haysta gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka biyo la’aantu haysato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya