Afhayeenkii Gobolka Banaadir oo Maanta ku dhawaaqay inuu Is-casilay

Axad, May 04, 2014 (HOL) — Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir, Cabdi-baasid Maxamed C/raxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay inuu inuu iscasilay, kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Mas’uulkan ayaa waxaa xilka u magacaabay 16-kii Maarso, 2104 guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), isagoo iscasilaaddiisa sabab uga dhigay in howlihiisa lagu soo fara-geliyay, taasna ay keentay inuu ku dhawaaqo inuu is-casilay.

“Tan iyo markii xilka la ii magacaabay howlo badan ma qaban, uuna billabay inuu ka fekero inuu is-casilo, maantana ay noqotay maalintii uu ku dhawaaqi lahaa inuu xilka afhayeenka maamulka gobolka Banaadir iska casilo,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Cabdibaasid.

Sidoo kale, afhayeenka is-casilay ayaa hadalkiisa ku daray inuu ka cudur-daaranayo hadalkii uu horay ugu sheegay inuu xilkan haynayo, isagoo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho uu ka dalbanayo inay cafiyaan haddii ay jiraan waxyaabo ay ka tabanayaan intii uu xilka hayay.

Afhayeenka is-casilay ayaa noqonaysa mas’uulkii ugu horreeyay oo iska casila xilka loo magacaabay, isagoo horay u bedelay afhayeenkii isaga ka horreeyay ee gobolka Banaadi.

Ma jiro hadal ku saabsan is-casilaadda afhayeenkii hore ee maamulkii gobolka oo ku dhawaqay maanta inuu is-casilay, iyadoo iscasilaaddiisu ay kusoo beegmayso xilli ay Al-shabaab shalay ku dileen Muqdisho xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya