
Axad, May 04, 2014 (HOL) — Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in dowladdiisa ay kordhinayso taageerada ay siiso Afrika, balse taa badalkeeda iyaga loo baahan yahay inay kor u qaadaan hubinta amniga iyo dimuqraadiyadda dalalkooda.
Shir uu la qaadanayay qaar kamid ah hogaamiyayaasha Afrika ayuu ku sheegay in dalalka Nigeria ,Koonfurta Suudaan, Somalia iyo Afrikada dhexe ay ku jiraan xaalado adag oo daganaansho la’aan ah, isla markaana ay muhiim tahay in laga taageero dhinacyo badan.
Waxaa kaloo uu sheegay in dowladda Maraykanka ay qorshaynayso maal-gashiyo hor leh oo ay ka hirgliso dalalka Afrika qaarkood, isagoo xusay in shirkadaha IBM ,Microsoft iyo waliba Google ay qaaradda Afrika ku qarash gareeyeen mashaariic horumarineed oo ay ku kacday lacag dhan 100- Milyan oo dollar.
Sidoo maamulka Obama ayaa sanadkii tagay ee 2013-ka ku taageeray ganacsiyada Maraykanka ee Afrika lacag gaaraysa 1-Billion oo dollar, taasoo lagu sheegay in ay fursad weyn u ahayd malaayiin kamid ah dadka ku nool qaaraddan .
“Lacagahan waxa ay dhisi karaan iskuuloo cusub ,isbitaallo ,waddooyin iyo waliba korontada ,taasi waa sababta ay dadka Afrikanka ah u doonayaan taageero masuuliyadi ay la socoto ,mana ahan in ay qolo gaar ah jeebakooda ku dhacdo “ayuu yiri Kerry oo ka hadlayay fursadaha hadda jira.
Waxaa kaloo uu sheegay in seddexda sano ee soo socota ay 37 wadan oo Afrikan ah u dareeri doonaan doorasho ay ka qayb gali doonaan Malaayin Afrikaan ah, wuxuu xusay in Midowga Afrika looga baahana yahy inuu ka hortago musuq-maasuqa.
Ugu danbayntii John Kerry ayaa ku booriyay wadamada Afrika qaarkood inay sameeyeen hanaan lagu kalsoonaan karo oo xasiloonida gobolka ah, isagoo ka digay xag-jirnimada oo aad ugu soo badanaysay dalalka geeska Afrika .
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]