Madaxa baareyaasha Hay'adda Atoomikada Dunida oo booqanaya Iran


Axad, May 04, 2014 (HOL) — Madaxa baareyaasha Hay'adda Quwadda Atoomikada Dunida (IAEA) ninka lagu magacaabo Herman Nackaerts, ayaa booqanaya wershedaha nukliyeerka lagu bacramiyo ee dalka Iran.

Booqashadan ayaa qayb ka ah heshiis ay sannadkii hore [2013] dhamaadkiisii wada gaareen Dowladda Iiran iyo Hay'adda Quwadda Atoomikada ee Dunida. Madaxa IAEA ayaa booqan doono Sagand oo ah goob dhulka hoostiisa ku taal oo lagu kaydiyo macdanta Uranium-ka ee nukliyeerka laga farsameeyo.

Sidoo kale wuxuu booqan doonaa wershedda Ardakan ee Uranium-ka lagu sifeeyo oo iyaduna ku taala bartamaha dalka Iran. Dadka ka faalooda siyaasadda Bariga Dhexe ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dhaxal-gal ah oo horay loo qaaday.

Reer galbeedka iyo dalal badan oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaa walaac xooggan ka qaba in Iran ay yeelato hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Xukuumadda Iiraan ayaa difaacda mar kasta barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo sheegtay in uu yahay mid nabadeed xaqna ay u leedahay inay yeelato.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya