Axad, May 04, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay beegsanayso guddoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dhibaatooyin horay ugu geysteen shacabka.
Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay beegsadaan guddoomiyeyaashii hore ee xilalka laga qaaday, isagoo xusay inay dhibaatooyin badan geysteen taas awgeedna ay go’aansadeen inay shacabka uga aaraan dhibaatadii ay u geysteen.
"Kuwii xilalka laga qaaday ee guddoomiyeyaasha ka ahaa degmooyinka gobolka Banaadir haatanna meelaha iska taag-taagan kaddib markii lagu fushaday dantii la doonayay in lagu furshado, waxaan leennahay ummaddii aad dhibteen ma noqon dootaan wax la iska ilaabay, ku talo-gala waxaad geysateen in la idinka gudi doono," ayuu yiri madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir.
Sheekh Cali ayaa hadalkiisa ku daray in guddoomiyeyaashii hore ay muddo fog ku hayeen dhibaato shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda jilicsan, isagoo xusay inay gaalada kala shaqeyn jireen dhibaateynta shacabka.
Dhanka kale, mar uu ka hadlayay dilkii C/kaafi Hilowle oo ahaa xogyihii hore ee gobolka Banaadir ayuu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, kaddib markii ay ku daba-jireen muddo dheer.
“Ninkii ku magacownaa xoghayaha maamulka gobolka Banaadir mujaahidiinta ayaa dilay, waxaana dilkiisa uu yimid kaddib markii muddo dheer lagu daba-jiray lana soo ogaaday in loo magacaabay xil kale oo muslimiinta uga dhibaato badan kii uu horay u hayay,” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Ugu dambeyn, mar uu ka hadlayay xildhibaankii shalay ka badbaaday qaraxa loogu xiray gaarigiisa ayaa sheegay inuu fakaday, balse ay mujaahidiintu weli dadaal ugu jiraan sidii ay ku dili lahaayeen, markii Alle qadarana ay dili doonaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya