Axad, May 04, 2014 (HOL) — Maxaabiis ku xirnaa xabsiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa xalay ka baxsaday xabsiga, kuwaasoo gaaray deegaan lagu magacaabo Ceel-qooxle oo ka tirsan isla gobolka Galguduud.
Xubnaha maxaabiista ah ee baxsaday xabsiga oo tiradoodu ahayd laba qof oo ay ku xirnaayeen silsilado ayaa gaaray Ceel-qooxle, kuwaasoo sheegay inay kasoo baxsadeen xabsiga degmada Ceelbuur.
“Waxaan dhowr maalmood ku jirnay xabsiga degmada Ceelbuur, xalay ayayna noo suuro-gashay inaan soo baxanno,” ayay yiraahdeen labada masxuub oo la ehelkooda ku sugan degmadaas.
Sidoo kale, maxaabiista waxay sheegeen inay soo baxsadeen kaddib markii ay hurdeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee xabsigaas ka ahaa ilaalada ayna tan iyo xalay oo dhan soo socdeen.
Maxaabiistan ayaa waxay ka mid ahaayeen maxaabiis ay ciidamada Itoobiya ku hayeen xabsiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ay bil ka hor kala wareegeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ayaa waxay ka sameeyeen maanta howlgallo ay ku raadinayaan maxaabiista fakatay deegaanno ku dhow deegmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaari ay wateen dad rayid ah, iyagoo ka dajiyay dadkii gaariga saarnaa isla markaana ay gaarigii oo keliya kexeysteen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya