
Axad, May 04, 2014 (HOL) — Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa lagu faah faahiyey kulan magaalada Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry.
Kulanka labada mas'uul oo muddo 45daqiiqo ah qaatay, waxaa ugu horreyn ka hadlay Xasan Sheekh Maxamuud oo si guud uga sheekeeyey xaaladda guud ee dalka, isagoo sheegay in sanadkan 2014 ay ku beegan tahay 25sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya burburtay.
Muddo 40sano ku dhow ayuu sheegay in Soomaaliya -markii ugu horreysey- ay doorasho ka dhici doonto, isagoo carrabka ku adkeeyey inuu garowsan yahay caqabado badan oo taas kahor imaan kara ayna ugu muhiimsan yihiin: dalka oo muddo 25sano ah dowlad la'aan ahaa iyo dadka oo aan nidaamka dawliga ah wax badan ka aqoon.
Madaxweynuhu wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata sheegay in ay jiraan horumarro badan oo dowladdu ay samaysay iyo caqabado badan oo hortaagan, kuwaasoo ay xaaladda ammaanku ugu daran tahay.
Dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab ayuu Mudane Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay in guulo waaweyn laga soo hoyey, haseyeeshee aan weli si fiican Al-shabaab looga adkaan. Taas wuxuu u sababeeyey dagaal-yahannada Al-shabaab oo ah kuwo tira yar oo hadba meel u guuraya ayna adag tahay in si fudud lagu ogaado goobaha fariisimaha u ah.
Ugu dambeyntii wuxuu Madaxweynuhu soo hadal qaaday saddex arrimood oo dowladda Soomaaliya muhiim u ah, kuwaasoo ay beesha caalamka gaar ahaan Maraykanka ka codsaneyso in uu ka taageero.
Waxyaabaha uu sida gaarka ah farta ugu fiiqay waxaa kamid ahaa dhismaha ciidamada qalabka sida, tayeynta hay'adaha dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha si shaqooyin loogu abuuro in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah badankooduna ay shaqo la'aan yihiin.
Xog-hayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo isagu hadalka ku dambeeyey ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay dadaal badan ku bixin doonto sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada ay codsatay in laga taageero.
Si gaar ah wuxuu carabka ugu dhuftay in ay xoojin doonaan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee ay siiyaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ka socda ee howgalka AMISOM u jooga Soomaaliya.
John Kerry ayaa ayaa sidoo kale la kulmay madaxda dalalka Itoobiya, Uganda iyo Kenya, wuxuuna dhammaantood kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalkaas iyo Maraykanka iyo weliba sidii ammaanka gobolka Geeska Afrika looga dhigi lahaa mid sugan.
Xigasho: U.S, Department of State
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya