
Axad, May 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ballanqaaday inay kordhinayaan taageerada ay siiyaan Somalia, kaddib hadal uu maanta siiyay idaacadda iyo telefishinka dalka Itoobiya.
Ballanqaadka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya kaddib kulan uu shalay oo Sabti ahayd uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula yeeshay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Desalegn ayaa xusay in ciidamadiisa Itoobiya ee AMSIOM ku biiray ay howlo wanaagsan ka qabteen gudaha Soomaaliya, ayna bixiyeen kaalmooyin bani’aadamnimo oo ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed.
“Itoobiya way sii wadaysaa taageerada ay siiso Somalia oo ay ka mid yihiin horumarinta aasaasiga ah,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.
Sidoo kale, Desalegn wuxuu sheegay inay qayb ka qaadan doonaan dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka, howlaha dib u heshiisiinta ee ay ka waddo Soomaaliya xukuumadda Soomaaliya.
Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamadooda ay ku biireen horraantii sannadkan 2014, howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo howlgallo dagaal ka billaabay gobollada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna sheegay in dowladda Itoobiya uu kaga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee ay siinayaan Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya