Dad biyo la'aan ugu geeriyoodey deegaano ka tirsan Gobolka Gal-guduud



Axad, May 04, 2014 (HOL) — Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in ay biyo la'aan ugu geeriyoodeen dhulka miyiga ah ee hoos taga degmada Balamballe ee gobolka Gal-guduud.

Guddoomiyaha Balamballe Hareeri Xasan Barre, ayaa sheegay in biyo la'aanta ay sababtay abaar ka jirta gobolka, maadaama xilligii Jilaalku uu dheeraaday roobabkii Guguna aanay weli bilaaban.

Hareeri ayaa sidoo kale sheegay in xilligan ay maran yihiin ceelashii iyo baraagihii biyaha roobka lagu kaydin jirey ee ay dadka degmada iyo kuwa reer-guuraaga ahiba ka cabi jireen, taasina ay xaaladda kasii dhigeyso mid culus.

" dadka geeriyoodey waa saddex dhammaantoodna waa caruur...labo walaalo ayey ahaayeen kulligoodna haraadka ayaa diley..." Hareeri Xirsi ayaa sidaas yiri mar uu maanta u warramayey Idaacadda Daljir isagoo intaas raaciyey in qiyaas ahaan 40% (boqolkiiba afartan) ay dhinteen xoolihii ay dadka reer guuraaga ahi dhaqanayeen.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in ka maamul degmo ahaan awoodoodu ay tahay mid kooban, dhibka jirana aanay waxba ka qaban karin, wuxuuna Ilaah ka baryey naxariis isagoo Dowladda Federaalka ahna u direy baaq ku aadan sidii ay dhibaatada jirta wax uga qaban lahayd.

Biyo la'aanta ayaa ka jirta gobollo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta, bartamaha iyo waqooyi bari Soomaaliya, waxaana xusid mudan in labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay roobabkii Gugu deegaanada qaar ka bilowdeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya