Axad, May 04, 2014 (HOL) — Wasiirka gaadiidka iyo dekedaha Somalia, Yuusuf Macallin Amiin (Baadiyoow) oo maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in xilligan uu wasiir u yahay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo keliya, marka la eego dekedaha dalka ku yaalla.
Baadiyoow ayaa sheegay inay jirin wax xiriir ah oo ay xilligan la leeyihiin dekedaha Berbera, Boosaaso iyo tan iyo Kismaayo, inkastoo uu xusay in dowladdu ay dadaal ugu jirto weli sidii loogu soo wareejin lahaa maamulka dekedda Kismaayo.
“Xilligii dekedda magaalada Kismaayo ay soo wareejin lahaayeen maamulka Jubba waa la gaaray, balse weli dowladda laguma soo wareejin, waxaase socda dadaallo ay dowladdu ku doonayso inay maamulka dekedddaas kula soo wareegto,” ayuu yiri wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd inuu wasiir u yahay dekedda Muqdisho oo keliya iyo in kale.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay dekedda Kismaayo ugu raadinayaan qalabka maraakiibta wax looga dajiyo, si howlaha dekeddaas loo casiriyeeyo, uuna ra’iisul wasaaruhu kala soo hadlay markii uu Kismaayo booqday madaxda maamulka Jubba arrimaha ku saabsan dekedda Kismaayo.
Wasiirka oo la weydiiyay su’aal kale oo ahayd, heshiiska ay xukuumaddu dhawaan kula gashay shirkadda Al-Beyraat ee dalka Turkiga laga leeyahay inay maamusho dekedda weyn ee Muqdisho ayaa sheegay in shirkaddaas aysan weli ka howlgelin dekedda.
Yuusuf Baadiyoow oo sidoo kale ka jawaabayay su’aal ahayd in xoogsatadii ka howl-geli jiray dekedda Muqdisho laga joojiyay shaqada iyo in kale, ayaa sheegay inaysan arrintaas waxba ka jirin, isagoo sheegay in shaqaalaha guud ee dekedda ka howlgala ay gaarayaan 7200 oo qof, ayna 6600 oo ka mid ah ay yihiin xoogsatada dekedda ka xamaala ayna sidoodii hore u shaqeeyaan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in su’aalo weydiintii wasiirka dekedaha ay intaa ku eg-tahay, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay su’aalo ay xildhibaannada golaha baarlamaanku ay weydiinayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya