Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland oo Dacwad u Gudbiyay Madaxtooyada

Axad, May 04, 2014 (HOL) — Dacwaddii Wargeyska HAATUF EE madaxa-bannaan ee ee Hargeysa kasoo baxay oo maanta loo ballansannaa in dacwadooda la galo ayaa gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ka cudur daartay inuu kiiskaasi ka garsooro, isla markaana ku wareejiyey garsoore kale.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Hargeya Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal Dhaga Dhago), ayaa sheegay in aanu dacwadaasi Haatuf loo haysto aanu gali Karin, maadaama oo xurguf ka dhexeyso isaga iyo gudoomiyaha Haatuf, sidaa darteed waxa uu ku wareejiyey gasoore Asad Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda gobolka Hargeysa, intaas ka dibna garsoorihii kale ee lagu wareejiyey waxa uu sheegay in dacwadan la bilaabi doono bishan May Tobankeedda.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta waxa goob joog ka ahaa xisbiyadda Mucaaradka, madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, xuquuqul insaanka iyo wariyeyaal, kuwaas oo dhamaantood u socday inay dhagaystaan kana markhaati furaan siday wax u dhacayaan.

Xisbiyada mucaaradka iyo Madasha wadatashiga iyo toosina Qaranka ayaa markii dambe shirjaraa’id oo ay xukuumadda ku dhaliilayaan ku qabtay hoteel Xaraf ee magaaladda Hargeysa, waxaanay halkaasi ku dhaliileen xukuumada cabudhinta saxaafadda iyo xadhiga wargeysyada qaarkood.

“Waxaanu qornay qoraal arji ah oo ay ku saxeexan yihiin saddex boqol oo qof oo ay ku jiraan xisbiyada mucaaradka, xildhibaanada baarlamaanka, ururada xuququl insaanka, ururka qareenadda Somaliland, aqoonyahano, culimo’udin iyo xubno kale oo badan ayaa qoraal codsi ah oo ay ku dalbanayaan in xoriyadoodii loo soo celiyo labadda wargeys iyo websate-yadooda xidhan dedeg loo siidaayo”ayuu yidh Eng:Rashiid oo u hadlayey xisbiga WADANI.

“Waxaa jira ciidan la yidhaa RRU oo cid xukunta aanan garanayn guryaha ayey habeen badhka usoo dhacaan oo dumarka iyo caruurta hurudda ku tuntaan  meel laga soo diro iyo cid xukunta la garan maayo hadii wasiirka arrimaha gudaha waydiisid kama war hayo ayuu ku odhanyaa” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenkii hore KULMIYE  C/raxmaan C/qaadir oo ka hadlayey tacadiyadda ciidamadda la dagaalanka Argagixisadu ku hayaan dadweynaha.

“Waxaan leeyahay sharciga ha loo soo noqdo, wanaagu wuxu u jira sharciga oo la raaco, waxaynu sharciga u dhiganay sidii wadankeena ugu ilaalin lahayn, jariidada la xidhayna wasiir bay sheegtay inuu musuqmaasuq sameeyey waxay ahayd in la baadho oo wasiirkaasi kuwo hore ayaa ku maqane waxay ahayd in ninkaasi la baadho ee may ahayn in wargeyska la xidho”sidaasna waxa ku dooday wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi.

“Waligay kuma aan seexan Axmed Siilaanyo ayaa cabudhinta saxaafadda madaxa banaan, waayo waxaan halgan dheer u wada galnay sidii xoriyatul qawl loo heli lahaa, waxaanu Siyaad Bare uga hor nimid oo qariidadii geeska Afrika u bedelnay inuu qof kasta xor noqdo oo aan warbaahinta la cabudhin”ayuu yidhi wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed ayaa isna sheegay in laba wargeys oo kaliya xidhnayn balse ay warbaahintii Somaliland oo dhani xidhantahay, isla markaana ay iska fudud tahay in wargeys kasta la iska xidhi karo.

“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu yidhi amar aan bixiyey ayaa Taleex Ciidankii Somaliland kaga baxeen, marka madaxweyne Siilaanyo ha ka jawaabo inuu dalkan isagu xukumo iyo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh xukumo, waxaana marag ma doon ah in wasiiro ka tirsan xukuumadan ay sheegeen inay lug ku lahaayeen soo saaristii madaxweynaha Soomaaliya, horena umay dhicin in madaxweyneyaashii Somaliland soo maray arrintaasi oo kale dhacdo”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka WADANI Axmed Mumin oo sheegay in  ka jawaab la’aanta hadalkaasi madaxweynaha Soomaaliya mugdi galinayso madax banaaniddii Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland