Axad, May 04, 2014 (HOL) — Dadka ku nool xerooyinka barakacayaasha Kismaayo ayaa maanta billaabay olole iskaa-wax-u-qabso ah oo ay qashinka kaga nadiifinayaan goobaha ay qashinka badan yaalliin.
Guddoomiyaha barakacayaasha Jubooyinka Nuur Cumar Faarax oo isagu soo abaabulayay ololahan nadaafadeed ayaa ku dhiirigeliyay dadka barakacayaasha ah in ay nadiifiyaan qashinka yaal nawaaxiga goobaha ay ku noolyihiin si ay uga gaashaantaan cudurrada dilaaga ah ee ka dhasha qashinka.
Axmed Gudhuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ololahan nadaafadeed uu yahay mid dadka barakacayaashu ay iskood isu xilqaameen kadib markii ay soo bateen cudurrada ka dhasha qashinka sida cudurka shuban biyoodka, oo maalmihii u danbeeyay fara ba’an ku hayay caruurta ku nool kaamamka dadka barakacayaasha ah ee magaalada Kismaayo.
Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay ololaha nadaafadeed ee ay ka bilaabeen magaalada, iyagoo ka codsaday hay’adaha samafalka iyo qurbajoogta in ay ka caawiyaan howlaha ay maanta bilaabeen.
Ololahan nadaafadeed ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu gudo jiro xilliga Gu’a oo ay aalaaba roobab ka curtain gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxaana roobabka inta badan ka dhasha cudurro dilaa ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya