Axad, May 04, 2014 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) ayaa soo gaarey maanta degmada Buuhoodle xilli degmadaas ay ka taagan yihiin xiisado u dhexeeya maamullada Puntland iyo Khaatumo.
Saleebaan Xagla-toosiye ayaa safarkiisan oo ahaa mid aan horey loo shaaci ku tagay degmadaas iyadoo shacabka ay amakaag ku beertay arrintan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay safarkiisa; waxaanu saxaafadda ka codsaday inay waqti kale u yimaadaan maadaama uu daallan yahay.
Illaa iyo hadda ma cadda ssfarka Xagla-toosiye uu u tagay Buuhoodle waxa ka dambeeya isagoo aan wax xiriir ah la lahayn maamulka uu ka socdo iyo weliba Khaatumo tan iyo billowgii 2012-kii oo dagaallo xoogan deegaanka Buuhoodle ay ku dhexmareen ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo.
Imaanshaha wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu magaaladaas ku sugan yahay xildhibaan, Cali Khaliif Galaydh oo hormuud u ah maamulka Khaatumo ciidammo iyo madax maamulka Puntland ka tirsanna ay ku sugan yihiin taasoo laga cabsi qabo inuu gacan-qaad ka billowdo.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool