Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Deegaanka Qalimow oo u dhexeeya degmooyinka Jowhar iyoBalcad ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo dilkaas uu geystay askari kale.
Ciidamada toogashada lagu dilay iyo askariga dilay oo kuwada suganaa xero ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Qalimoow ayaa la sheegay inuu muran soo dhexgalay, iyadoo markaas kaddib uu askarigu rasaas ku furay askarta kale, taasoo keentay inay goobta ku geeriyoodaan laba askari, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaro taliyahoodii.
“Askariga iyo askarta dhimatay waxaa soo dhexgalay muran, taasoo keentay in askarigu uu rasaas ku furo askarta kale, waxaa dhintay laba askari, sidoo kale waxaa dhaawacmay taliyahoodii oo doonayay inuu dhexdhexaadiyo,” ayuu yiri askari ka tirsan xerada uu dilku ka dhacay oo saxaafada la hadlay.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in labada askari ee la dilay ay ahaayeen kuwo si weyn looga yaqaannay deegaankaas, iyadoo lagu soo koobay magacyadooda Maxamed Carab iyo Hagafeey.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in markiiba la qabtay, iyadoo markii uu dilku dhacay la adkeeyay ammaanka xerada, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ay dilal isku geystaan.
Dhaawaca sarkaalka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Muqdisho, mana jiro hadal kasoo baxay taliska ciidamada xoogga dalka oo lagu faahfaahiya dilka dhexmaray askarta ciidamada dowladda kawada tirsan.
Sidoo kale, lama oga wuxuu ku saabsan yahay muranka sababay in askariga uu toogasho ku dilo askarta kale, iyadoo xaaladda deegaanka Qalimow lasoo sheegayo inay tahay mid daggan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horay dilal ugu fulisay askar lagu helay inay dileen askar kale oo ay shaqo ka dhexeysay iyo dad shacab ah, iyadoo mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka dhowr jeer oo hore sheegeen in askarigii dil geysta uu mudan doono xukun dil ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya