Ololaha ka hortagga tacadiyada ay Haweenku la kulmaan oo lagu soo gaba-gabeeyey Degmada Boosaaso ee G/Bari (SAWIRRO)


Talaado, December 10, 2013 (HOL) —
Magaalada Boosaaso ee  gobolka Bari, waxaa lagu soo gaba gabeeyey olole sanadle ah oo bulshada looga wacyi geliyo   tacadiyada ay haweenku la kulmaan.

Ololahan oo soconayey muddo 16 maalmood ah, waxaa maanta munaasabad lagu soo afmeerayay oo ka dhacday xarunta ururka WAWA kasoo qayb galay, mas’uuliyiin ka socdey wasaaradda haweenka oo ay kamid ahayd isu-duwaha wasaaradda ee gobolka  Bari Ayaan Nuur Muuse, Emmanuel Egyar oo isna ka socday UNCHR, iyo Zeynab Mwazige oo ka tirsan ururka WAWA.

Waxaa sidoo kale kasoo qayb galay in badan oo kamid ah ururrada haweenka, dhallinyarada iyo xubno metelayey bulshada barakacayaasha ah iyo kuwa deegaanka.

Ugu horreyn, goobta waxaa lagu soo bandhigay riwaayado iyo suugaan buraanbur u badan, kuwaas oo ku saabsanaa: waxbarashada gabdhaha, gudniinka fircooniga ah iyo shaqaaqooyinka dumarka lidka ku ah ee ka dhaca xaafadaha.


HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Isu-duwaha wasaaradda haweenka Puntland ee gobolka Bari, Ayaan Nuur Muuse oo intaas kaddib goobta ka hadashay, ayaa sheegtay in isku duubnida haweenka iyo in codkooda la maqlo ay tahay sida keliya ee lagu yareyn karo tacadiyada ay la kulmaan.

Zeynab Mwazige oo ah madaxa mashaariicda ee WAWA ayaa iyaduna dadkii xafladda kasoo qayb galay, waxay kula dardaarantay inay dib bulshada ugu celiyaan macluumaadka ay ka faa’iideen ololahan oo muddo 16 maalmood ah soo socdey.

Ololahan oo sanad walba xilligan oo kale la qabto, waxaa  soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland, wuxuuna kusoo aadayaa xilli maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta xuquuqul insaanka oo ku beegan 10-ka bisha December.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya




More News