Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadllay dil Sarkaal ka tirsan Milateriga loogu geystay Beledweyne iyo rabshado dhacay


Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dil habeen hore sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka loogu geystay magaalada Beledweyne iyo dibadbaxyo rabashado watay oo maalintii shalay ka dhacay magaalada.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn taci u dirray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Col Xaanshi Xusseen Diiriye, waxaana uu guddoomiyuhu sheegay in dilka sarkaalka ay geysteen ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya.

’’Alle ha u naxariisto ayaan leeyahay Xaanshi Xusseen Diiriye shaqsi aan saaxiibo nahay ayuu ahaa, qof runtii aan wanaag badan aan ku sifeynayo ayuu ahaa, waa uu dhintay wax la qarinayo ma’aha  waxaa dillay ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya, maamulka arintaa gacanta ayuu ku hayaan, cid kasta oo falkaa ku lug yeellatana cadaallada ayaa la marin doonaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Cabdi Faarax Laqanyo, ayaa sheegay in arinta ku saabsan dilka sarkaalka ay ka wada hadlleen mas’uuliyiinta dowladda dhexe Soomaaliya, sida ugu dhaqsiyaha badanna u soo gaari doonaan magaalada Beledweyne saraakiil ka tirsan hay’addaha ammniga ee ku shaqada leh danbi-baarista iyo mas’uuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida oo si dhab ah u guda-gali doona baaritaanka dilka, iyadoo cadaallada la marin doono ayuu yiri cid kasta oo ku lug yeellata falkaas.

‘’Si loo soo dadajiyo cadaalad marinta cid kasta oo falkaa ku lug yeellata arintaa waxaa ka wada hadalnay dowladda dhexe, waxaana isku afgaranay in deg deg naloogu soo dirro saraakiisha danb-baarista iyo maxkamada ciidamada qalabka sida, ama askari dowladda ka tirsan ha’ahaado ama mas’uul darjo maamulka ka haya ha’ahaado qof kasta oo falkaa ku lug yeesha sharciga ayaa la horkeeni doonaa,’’ ayuu  yiri guddoomiyaha gobolka.

Laakiin dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadllay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in arintaasi lagu tilmaami karin dibadbax oo kaliya, laakiin la doonayay in lagu qal-qal-galiyo sida uu hadalka u dhigay ammniga magaalada.

“Mar marka qaar wey dhici kartaa in dadku ka dibadbaxaan marka falal noocan oo kale ah ay dhacaan, laakiin dibadbax laguma tilmaami karo in dadka la qal-qal-galiyo, dhagxaan la tuuro, hantida dadweynaha la bur buriyo, nolashii magaalada oo dhan is taagto, shalay markii ay falalkaa oo dhan dhacayeen ciidamada waxaa ku amarnay in aysan wax rasaas ah adeegsan, laakiin ma aqbali doonin waxaas oo kale ay soo noqdaan ama magaalada ka dhacaan, wixii hadda ka danbeeyana laamaha ammniga talaabo ayeey arintaa ka qaadi doonaan.’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu danebytii guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne in ay kala shaqeeyaan laamaha ammniga sugida nabad-galyada.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii magaalada Beledweyne ay ka dhaceen dibadbax rabasho watay oo ka dhashay dil habeen hore gurigiisa loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya

More News