Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Ciidamada badda ee Puntland ayaa xalay koox burcad-badeed ah ku qabtay deegaanka Mareero oo ku yaalla meel magaalada Booosaaso 15km waqooyi-bari kaga beegan.
Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax, oo shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta ciidamada badda oo ku taal bariga magaalada Boosaaso, ayaa ka warbixiyey hawlgalkii burcad-badeedka lagu soo qabtay iyo weliba qaabka uu dhacay.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay ka war heleen koox toddoba nin ka kooban oo isku uruursanaya deegaanka Mareero –oo ah deegaan xeebta saaran oo horay dadka looga tahriibin jirey- kaddibna ay isu diyaariyeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Saddex kamid ah toddobadaas nin iyo weliba qalabkii ay wateen oo isugu jirey: doon nooca dheereeya ah, saddex qori oo nooca fudud ah; agabka jihooyinka iyo masaafada sheega ee GPS-ka iyo jaranjarooyin ayuu taliyaha ciidamada badda Puntland wuxuu sheegay in howgalkaas lagu so qabtay.
Ciidamada badda ee Puntland oo la asaasay sanadkii 2010, waxay howgallo dhowr ah oo ay sanadkan sameeyeen kusoo qabteen burcad-badeed; maraakiib iyo doomo si sharci darro ah badaha Puntland uga kalluumaysanayey iyo weliba qaar kale oo iyaga oo badda qashin ku qubaya gacanta lagu dhigay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya