
Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inay u qorsheysan tahay inay weerarro ka geystaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Inkastoo uusan si dhab ah u sheegin magacyada dalalka ay weerarayaan ayaa haddana wuxuu sheegay in weerarradu ay noqon doonaan kuwo la mid ah kii ka dhacay bishii September ee sannadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaa naga go’an inaan weerarrno dalalka ay ciidamadu ka joogaan halkan (Soomaaliya), yaysan noo maleyn inaan nahay dad hurdaya, waan la soconaa dhib walba oo ay geysanayaan ciidamadooda, waana ka aar-goosan doonnaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore u direen fariimo ah inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, haddana ay fariimmo kale u dirayaan, taasoo ah in ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, haddii kale ay dhibaato xooggan la kulmi doonaan.
“Dhibaato walba oo ciidamadiinnu ay geysanayaan waan la soconnaa, waana noo xisaaban yihiin, ha moodin inaan idiin cafin doonno waan idin ka aar-gudan doonnaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Soomaaliya aya waxaa ka howlgala ciidammo ka socda Midowga Afrika oo ku shaqeeya magaca AMISOM, kuwaasoo ka socda shan dal oo kala ah, Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Sierra Leone. Waxaa sidoo kale ku sugan ciidan ka socda dalka Itoobiya oo ka madax-bannaan howlgalka AMISOM.
Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa heegan buuxa gelisay ciidankeeda amniga, kaddib markii ay sheegtay inay heshay fariimo sheegaya in kooxda Al-shabaab ay doonayso inay falala argagaxiso ka geysato Kampala.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya