
Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka UCID, ayaa maanta taageerayaashiisa iskugu soo baxeen xaruntiisa guud ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay ku soo bandhigayaan tacadiga iyo cabudhinta ay xukuumaddu ku hayso xisbiga UCID iyo warbaahinta madaxa banaan.
Xisbiga UCID oo wasaarada arrimaha gudaha ka dalbaday inay u fasaxaan mudaharaad salmi ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda, ayaa loo diiday, waxaana ciidan farobAdan maanta la soo dhoobay wadooyinka laga filan karo inay soo maraan taageerayaash xisbiga UCID, kuwaas oo diidanaa in mudaharaad ay sameeyaan xisbigaasi.
Haseyeeshee xisbiga UCID ayaa isaguna ku adkaystay inay qabanayaan mudaharaad, isla markaana xafiiskooda ku hor qabteen isku soo bax balaadhan, inkastoo ciidan badan la dul keenay hadana waxa xaruntoodda iskugu yimid taageerayaasha xisbigaasi oo si weyn uga cabanayey xadgudubyada ay xukuuumaddu kula kacayso xisbiyada iyo warbaahinta.
“Waydiinkii ogaa inaanu bisha toban keega ku balanay in aynu mudaharaad dhigno taas uu wasiir ku xigeenka uu naga diiday inaanu mudaharaadkaas dhigno…,waad ogtiin wixii ku dhacay wargayskii Hubaal oo aad ogtiin in laga soo abaabulay qasriga madaxtooyada, waxaana loo baahanyahay in dalka sidii Siyaad Bare looga xoreeyey dalka in xukuumada Siilaanyana looga xoreeyo”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey) oo ka hadlayey isku soo baxa xisbigoodda.

“Waxay billaabeen saaka aroortii hore in ciidanka RRU soo weeraraan xarunta UCID, kuwaas oo burburiyey qalab badan taasba waxa kasii daran Basaskii aanu udirnay xaafadaha ayaa waxa ay dhigeen jid goyn oo dadkii ayey laayeen oo waxa la dhaceen ulo dadkiina way yaaceen qaarna waxa ay tageen dhakhtarka”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Gudoomiye ku xigeenka xisbig UCID Cali Gurey ayaa si adag u cambaareeyey habdhaqanka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Qofna umada si runa uma baran karo ilaa uu galo xabsiyadeeda,markaas waxaad garan kartaa marka lagu xidho, Aniga ka Cali Guray ahaan xabsi maan galin oo waana la ii quudheen in la ixidho la ima-tudhayo lakiin waa la iiquudhi waayey”
Musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inay xukuumaddu u badheedhay inay xabsiga dhigto wariyeyaasha, isla markaana aanay cidi hadal.
“Maanta Mudaharaadkan waxaynu ku xusaynaa Maalinta Xuquuqal Iisaanka , Dadkii Tacadiyada lagula kacay, Dadka la iska xidhxidhay, Dadka la bahdilayo ee TV-yada laga Caayayo Maalin walba. xagee Aduunka lagu Arkay Xukuumad iyadii Dadkii caayaysa, iyadii weeraraysa oo Wan jalaysa Dadkii, Xagee lagu Arkay Xukumad Jid gooyo samaynaysa”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo isaga dhowaan laga soo celiyey magaaladda Gabiley oo hawlo xisbigiisa u tagayey.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xasan Xuseen Codyare oo ka mi ah masuuliyiinta xisbiga WADANI, kaas oo cambaareeyey xadhiga warbaahinta iyo tacadiyada xisbiga mucaaradka loo gaysto.
Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Maanta soo Bandhigay Cabasho ay ka muujiyeen Tacdiyada Xukuumada Somaliland ku hayso Saxaafadda Madaxbaan.
Waxayna Suxufiyiintaasi sheegen in maanta oo ay ku beegan tahay Maalinta Xuquuqal insaanka Adduunka ay ku dabaaldegayaan cadhin iyo xadhig lagula kacayo.
Wariyeyaashan ayaa dhamaantood afka iskaga xidhay , isla markaana muddo shan daqiiqo ah aamusnaan ku qaabilay maalinta xuquuqul insaanka aduunka iyo sida ay uga xun yihiin cabudhinta wariyeyaasha lagu hayo.
Dhinaca kale, hay’adda xuquuqul insaanka dawladda ayaa si weyn u xusay maalinta xuquuqul insaanka aduunka, waxaana ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo xubno ka tirsan wasiiradda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland