Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Toddoba sarkaal oo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray Baladweyne, iyadoo aan sababta rasmiga ah ee safarkooda.
Socadaalka ay saraakiishan ku tageen Baladweyne ayaa imaanaysa iyadoo habeen hore lagu dilay gudaha magaalada Baladweyne lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Col. Xaashi Xuseen Diiriye iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.
Taliyaha saldghigga booliiska Baladweyne, Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla ayaa sheegay in dilkaas ka dambeeyeen askar ka tirsan ciidamada milateriga oo ku weeraray gurigiisa, iyadoo mid ka mid ah ciidamadaas weerarka geystay lagu dilay goobtaas.
C/dhuux Mahad-Alla ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii dilkaas ka dambeeyay gacanta lagu dhigay, waxaana dilkan uu sababay in shalya ay ka dhacaan Baladweyne dibad-baxyo rabshado wata, kuwaasoo ay dadweynaha Baladwyene sameeyeen.
Dibadbaxan ayaa sababay in la xiro inta badan ganacsiga magaalada iyadoo waddooyinka magaalada qaarkeed lagu gubay taayarrada gaadiidka, balse goor dambe ayay dibadbaxyadu si iskood ah u joogsadeen.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo maanta ka hadlay dilka sarkaalka ayaa sheegay inuu ahaa mid ay aad uga xun yihiin, wuxuuna intaas ku daray in arrinta ku saabsan dilka ay mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo isagu kawada hadleen.
Wixii kasoo kordha socdaalka wafdigan iyo sababta ay halkaas u tageen kula soco wararka dambe ee HOL haddii ALLE yiraahdo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya