Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha adduunka ayaa xus ku saabsan arrintan waxaa lagu qabtay maanta xarunta hay’adda Somali Women Developments Center (SWDC) ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay xuskaas mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda Somalia, culimaa’uddiin, aqoonyahanno, siyaasiyiin, mas’uuliyiinta SWDC, haween iyo dhallinyaro,
Furitaankii munaasabadda ayaa waxaa ka hadashay, Maryan Daqal Xuseen oo ka mid mas’uuliyiinta SWDC iyadoo ku dheeraatay ka hadalka xadgudub-yadii sannadkan 2013 dhacay, iyadoo sheegtay in laga soo billaabo jannaayo illaa November ay dhaceen illaa 455-xadgudub oo isku jiray dil, kufsi, isku-day kufsi, hanjabaad , xarig iyo wixii la mid ah, waxayna xustay in xarunta ay soo jeedinayso in bulshada ay ku dadaallaan sidii loo joojin lahaa xad-gudubyada.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay, Ibraahim Maxamed Cali oo ka mida xarunta SWDC, isagoo sheegey in hay’addu ay sannadkii tagay ku dadaashey sidii loo joojin lahaa xad-gudubyada loo geysto bulshada qaybaheeda gaar ahaan haweenka kuwaasoo uu sheegay kuwa ugu nugul bulshada loona baahan yahay in si gaar ah loo ilaaliyo.
“Ummadihii hore waxaa ALLE ku halaagey xadgudubyo ay sameeyeen marka xad-gudubyadaas kuwa la mid ah waxay ka dhaceen dalkeen marka waa in bulshada ay u is-taagto sidii looga hortagi lahaa xagudubyadaas oo ka dhan ah diinta Islaamka,“ ayay yiraahdeen culummadii ka hadlay munaasabadda.
Ugu dambeyn waxaa hadashay, guddiga guddoomiyaha xaquuqul insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya, xildibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu ugu horreyn u mahadcelisay xarunta SWDC oo ay sheegtay inay wax badan ka qabatay xad-gudubyada xaquuqda aadanaha ee dalka ka dhaca, gaar ahaan kuwa haweenka lagula kaco; waxayna ugu baaqday xarunta inay sii laba-jibaarto sidii looga hortagi lahaa in dalka ay ka dhacaan xad-gudubyo.
“Maanta waxaa loo dabbaaldagayaa sannad-guuradii 65-aad ee maalinta xaquuqul insaanka, waxaana sannadkii tagay dalkeena ka dhacay xad-gudubyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha, sidaa darteed dowlada federaalka waxay ballan-qaadeysaa sidii loo joojin lahaa xad-gudubyadaas,” ayay tiri xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.
Guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha ee baarlamaanka ay halkaas ka akhrisay war-saxaafadeed ku aaddan maalinta xaquuqda aadanaha, kaasoo u qornaa sidan:
Maanta oo ay ku beegan tahay 65-guuradii kasoo wareegtay maalinta caalamiga ah ee xuquuqul aadanah oo lasoo saaray 1948-kii marka loo fiiriyo dalkeena sannadkan 2013 wuxuu ahaa sannad murugo iyo dhibaato u ah Soomaaliya xili dhaceen dhibaatooyin fara badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dhibaatooyinkan waxaa sameeyay dad ujeeddooyin kala duwan lahaa. Tacaddiyadii dhacay waxay isugu jireen dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso ah kuwaasoo sababay dhimashada dad rayid ah oo ay ku jireen kuwo u dooda xuquuqda aadanaha, saxafiyiin, shaqaale dowladeed iyo kuwa kale.
Dadkan ayaa dhintay iyagoo ku jira shaqooyin kala duwan oo ummaddooda dhibaateysan ay ku caawinayeen. Waxaase nasiib-darro ah dadkii falalkaas ka dambeeyay oo aan cadaaladda la horkeenin taasoo noqatay su’aal ku taagan maskaxda qof waliba oo soomaali ah.
Waxaa la dhisay dowlad federaal ah oo taageero xooggan ka haysata beesha caalamka, laakiin waxqabadkii laga filayay wuu ka yar yahay marka loo eego awooda ay leedahay. Dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax qabadkeeda sare u qaaddo; iyadoo ka faa’iidasanaysa kalsoonida shacabkeeda ay ku qabaan iyo taageerada beesha caalamka ay ka hesho.
Furlinta arrintan waxay u baahan tahay dadaallo wadajir ah oo ay qaadaan ururrada bulshada rayidka ah, dowladda iyo beesha caalamka. Haddii tan lagu guuleysto waxaa la arki doonaa natiijo wax ku ool ah oo u furta bog cusub oo leh horumar iyo dib u dhis ballaaran.
Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxay dhaxashay dhammaan hashiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo heshiisyo aysan wali qayb ka ahayn sida kan carruurta, waxaa kaloo is gaar ah dowladda looga filayaa hirgalinta heshiiskii 07-dii Bishii May 2013 oo uu soo saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ka hortaggan xad-gudubyada iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Diinta Islaamku waxay si weyn u ilaalisay sharafka iyo karaamada qofka bini’aadamka ah, cutubka labaad ee dastuurka federaalka KMG ah si cad ayay ugu qeexan tahay arrintan.
Guddiga xuquuqul insaanka haweenka iyo arrimaha bini’aadamnimada ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka waa inay iska kaashadaan hal-abuurku lagu dhisi lahaa hay’ado qaran iyo diyaarinta shuruuc dhaxal-gal ah oo ka turjumaya rabitaanka shacabka si dalka uu sare ugu qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha, dowlad-wanaagga, sareynta sharciga iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gunaanaday in guddiga xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo ururka hormarinta haweenka Soomaaliyeed ee SWDC oo soo qaban-qaabiyay xuska maalintan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya