Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar ku bixiyay inaan Hareeraha Waddada Maka Al-Mukarama lagu iibin karin Shidaalka

Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar ku bixiyay inaan lagu iibin karin hareeraha jidka Maka Al-Mukarama shidaal iyo waxyaabaha kale ee laga ganacsado, iyagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay dib u soo celinta bilicdii Muqdisho.

Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan oo saakay la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in shidaalka iyo waxyabaha dareeraha ah ay nadaafad-darro keenaa, sidaa daraadeedna aan lagu iibin karin jidka oo dib u dhis lagu sameeyay.

“Waddada Maka Al-Mukarama dib u dayactir xoog leh ayaa lagu sameeyay marka lama ogolaanayo in lagu iibiyo waxyaabo dareero ah oo nadaafadda wax u dhimaya, ganacsiyada aan sharciga ahaynna waa inay hareeraha jidka ka guuraan,” ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofkii lagu arko isagoo biyo wasaq ah ku daadinaya hareerha jidka wuxuu muteysan doonaa ganaax lacageed, inkastoo uusan sheegin cadadka ganaaxaas lacageed uu noqonayo.

“Turkigu waxay dhiseen marshibiyeedka, waxaana socda dhismaha labada dhinac ee jidka Maka Al-Mukarama uu ka kooban yahay, qorshuna waa in la soo celiyo bilicdii Muqdisho, marka kama ogolaanayno qof inuu bilicdaas wax u dhimo,” ayuu xoghayuhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, xoghayuhu wuxuu sheegay in gaadiid ay ku deeqday dowladda hoose ee Turkiga lagu nadiifin doono waddada, ayna howsha nadiifintu dhici doonto xilliyada habeenkii iyo aroorta hore inta aysan qorraxdu soo bixin.

Jidka Maka Al-Mukarama oo ah kan ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa waxaa dib u dhis xooggan ku wada dowaldda Turkiga, isagoo ah jidkii labaad oo hay’adaha turkiga ay dib u dhiskooda ka billlabaan, marka laga soo tago jidka taga garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News