Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya


Talaado, December 10, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa shaacisay inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya, kaddib warsaxafadeed uu ku saxiixnaa ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo maanta kasoo baxay taliska weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho.

Anaadiif ayaa ku sheegay warsaxaafadeedka in AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya, gaar ahaan tan dadka dulman ee ku nool gudaha dalka Soomaaaliya.

“Waxaa ka go’an AMISOM inay ilaaliso xuquuqda aadanaha Somalia, waxay AMISOM dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan siisaa goobo ammaan ah oo ka madax-bannaan rabshado iyo cabsi gelin si ay ugu noolaadaan is xor ah, taasoo qayb weyn ka ah qorshaha ilaalinta xuquuqda aadanaha,” ayuu ku yiri ergaygu warsaxaafadeedka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale, Anaadiif wuxuu sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hay’adaha ammaanka Soomaaliya sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed iyo deegaan ammaan ah, si ay meesha uga baxaan dadka doonaya inay ku xad-gudbaan xorriyadda shacabka Soomaaliyeed.

Wakiilku wuxuu xusay in ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ka howlgala ay heleen tababbarro joogta ah oo ku aaddan ilaalinta sharciyada caalamiga ah xuquuqda aadanaha, isagoo xusay in dhammaan howlaha AMISOM ay ka muuqdaan nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Hadalka ergayga ayaa kusoo beegmaya xilli calaamka oo dhan maanta oo ay bisha December tahay 10-ka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha gaar ahaan kufsiga loo geysto haweenka, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha.

Inkastoo ergayga Midowga Afrika uu sheegay in AMISOM ay ka shaqeynayso ilaalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya, ayaa haddan waxaa jira dacwad aan weli meelna u dhicin oo ku saabsan in askari ka tirsan ciidanka AMISOM uu kufsi u geystay sannadkan haweeney Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News