
Talaado, December 10, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), xilliganna ah musharrax u tartamaya in mar kale madaxweynaha Puntland loo doorto, ayaa maanta isaga iyo wefdi uu horkacayo oo kasoo kicitimay magaalada Jigjiga, waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe.
Madaxweynaha oo kumannaan dadweyne ah kula hadlayey Fagaaraha Barxadda , ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen, wuxuuna intaas kaddib ka sheekeeyey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay dowladdiisu qabatay.
Mar uu ka hadlayey ololaha doorashada, wuxuu sheegay in musharraxiinta qaarkood ay anshaxa ololaha doorashada buriyeen, si gaar ah wuxuu u dhaleeceeyey Musharrax C/weli Maxamed Cali Gaas.
Musharraxiinta ka qayb gelaya doorashadan, ayuu tilmaamay inay u badan yihiin kuwo aan tayo lahayn – waa sida uu hadalka u dhigaye- marka loo eego musharraxiintii ka qayb galay doorashadii dhacday sanadkii 2009
“Waxaan idiin sheegayaa, kuwii isa soo sharraxay 2009-kii iyo kuwa hadda isa soo sharraxay isku tayo maaha, waagaas waxaa isasoo sharraxay dad ay ka dhab tahay inay u tartamaan dowladnimada, dad ay ka dhab tahay inay wixii markaas xumaa wax ka sameeyaan, anaa kamid ahaa…” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.
C/weli Maxamed Cali Gaas oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ayuu C/raxmaan Faroole ku doodey in isagu uu sabab u ahaa in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka.
Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: “ maalin dhoweyd nin baan ka dhegeystey idaacad xayeysiis u sameynaysa…nin weyni inuu been sheego waa ka xaaraan, wuxuu ahaa ninkaasu nin aan anigu ugu wacnaa in xafiis dowladeed oo ku xiga kan dalka ugu sarreeyo la geeyo…shaqo dowladeed weligiis hal sano ayuu qabtay”.
Xiriirka Madaxweyanaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo markii laga war helay in C/weli Gaas oo isusoo taagi doono madaxtinimada Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya