Madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabay kulammo uu la yeelanayo xubnaha isku soo taagay xilka Ra’iisul Wasaaraha Cusub


Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa billaabay maanta inuu qaabilo murashaxiinta isku soo taagay jagada ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo horay ugu gudbiyay codsiyada ay ku dalbanayaan xilka.

Kulammadan gaar-gaar ah oo uu madaxweynuhu la yeelanayo xubnahana ayaa maanta duhurkii billowday, isagoo mid mid wareysiyo kala duwan ula yeelanaya, waxaana illaa hadda la ogyahay in madaxweynuhu uu kulammo la yeeshay shan murashax oo xilkan u taagan.

Warar ku dhow-dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo xirtay in weli uu madaxweynuhu qaabilaadda xubnahan ku jiro, waxaana xubnahan loogu yeerayaa mid-mid iyadoo laga akhrinayo warqad ay magacyadood ku qoran yihiin.

Mid ka mid ah xubnahan jagadan isku soo taagay oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in madaxweynuhu uu si gaar ah ula kulmayo murashax walba oo ka mid ah kuwa xilkan codsaday oo tiradooda laga badinayo toban ruux.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu aqrinayo CV-ga uu soo gudbiyay murashax walba inta uu kulanka kula jiro, iyadoo aan la sheegin illaa hadda magacyada xubnaha xilkan dalbaday in loo magacaabo.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweynuhu kulammo gaar-gaar ah la yeeshay xildhibaanno, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiin isagoo weydiiyay tilmaamaha ay doonayaan inuu yeesho mas’uulka wasiirka koowaad noqonaya, iyadoo talooyin kala duwan la siiyay madaxweynaha.

Xubno ka tirsan kuwii wadatashiga uu la yeeshay madaxweynaha ayaa VOA-da u sheegay in madaxweynaha ay kula taliyeen in ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabayo uu noqdo mid karti u leh fulinta howlaha horyaalla dowladda sannadaha soo socda.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn maalinta ay noqon doonto, iyadoo madaxweynuhu uu horay u sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo magacaabayo ra’iisul wasaaraha cusub.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in xubnaha xilkan isku soo taagay ay ka mid yihiin: Xuseen Cabdi Xalane iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex oo labaduba xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Tan iyo markii ay xildhibaannada baarlamaanka ay kalsoonida kala laabteen xukuumadda uu horkacayo Cabdi Faarax Shirdoon 02-dii bishan Decmber ayaa waxaa jiray xubno fara badan oo dadaal ugu jir sidii xilkan looga magacaabi lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News