Ciidamada Nabadsugidda Kismaayo oo soo bandhigay walxaha qarxa oo ay kasoo qabteen xaafadaha magaalada [SAWIRRO]



Talaado, December 10, 2013(HOL) :- Ciidamada nabadsugidda degmada Kismaayo ayaa maanta soo bandhigay walxaha qarxa oo ay sheegeen in ay kasooqabteen qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.

Walxahan qarxa ayay masuuliyiinta nabadsugiddu sheegeen in ay ahaayeen kuwo la doonayay in loo adeegsado qaraxyo, balse ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigeen kahor intii aan la isticmaalin

Taliyaha ciidamada nabadsugidda degmada Kismaayo Jamaal Cumar Max’uud oo warbaahinta kula hadlay Xarunta K2, ayaa  sheegay in Bambaanooyinkani ay kasoo qabteen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, isagoo intaa ku daray in dadka deegaanka ay garab kusiiyeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen walaxahaasi.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Cabdi Yuusuf oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ciidamada nabadsugidda howsha ay hayaan, isagoona ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay la shaqeeyaan ciidamada nabadsugidda.

Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga ee maamulka Jubba, Mudane Max’ed Warsame Faarax (Darwiish). Waxa uuna u mahadceliyay ciidamada nabadsugidda Kismaayo, isagoona baaq u diray shacabka reer Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeyo la dhameystiri doono laamaha ammaanka ee maamulka, wuxuuna xusay in ay wax weyn iska badali doonto xaaladda nabadgelyo ee magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamada nabadsugidda Kismaayo ay soo bandhigaan walxaha qarxa, haseyeeshee waxaa jirtay marar badan oo sidan oo kale ay soo bandhigeen Bambaanooyin iyo Miinooyin ay kasoo saareen wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.

More News