Ceel-biyood Markii ugu Horreeyay Laga Hir-geliyay Tuulada Carooley oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool (SAWIRRO)


Talaado, December 10, 2013 (HOL) —  Hay'adda Norwegian Peuple's Aid (NPA) ayaa ceel-biyoodkii ugu horeeyey ka hirgelisey tuulada Carooley oo dhinaca bari kaga beegan degmada Taleex ee gobolka Sool qiyaastii 100-km.

Ceelkan oo qodistiisu socotay afartii bilood ee aan soo dhaafnay sida uu sheegay madaxa hay’adda waddaganig ah ee Steedfast, Maxamed C/laahi Faarax "Cagmadhige".

Shukri Xasan Badha-badha madax xafiiska NPA ee gobolka Sool oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay u mahad-celinayso dhamaan dadkii ka qayb qaatay gaaritaanka biyahan; waxayna ballan-qaadday in inta sannadka ka hartay ay ku dhameystiri doonaan in biyaha ceelkan lawada gaarsiiyo tuulada.

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaankaas ayaa aad uga mahad-celiyey NPA, ururka waddaniga ee SVO iyo shirkadda qoday ceelkan, waxaanay ballan-qaadeen inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaashan lahaayeen.

Magaaladda Carooley oo ku taala dhulka dooxada Nugaaleed ayaan lahayn biyo nolosha kafeeya marka laga reebo biyo adag oo macdano badani ku laran yihiin; isla markaana ay dhakhaatiirtu ka dayriyeen cabistooda, iyadoo la fiyo inay wax weyn ka tari doonto maadama dhul xoolaad ay ku taal.

Hay'adda NPA ayaa horay ceelal riig ah uga hirgelisay deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Sool oo ay ka mid yihiin: Sarmaanyo, Ceegaag, Shululux, Awr-boogays iyo Laas-caanood oo intooda ay badan ku guulaysatay.



Seynab, Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool

More News