Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Golaha deegaanka Hargeysa ayaa maanta go’aan ka soo saaray laba ka mid ah shirkadaha heshiishka kula jiray inay qashinka ka guraan oo ku guuldaraysatay inay degmaddii ay masuulka ka ahaayeen Qashinkii buux dhaafiyey.
Guddoomiyaha golaha deegaanka, ahna maayarka Hargeysa, Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa sheegay inay shirkan aan caadiga ahayn ee ay iskugu yimaadeen xildhibaanadda golaha deegaanku ay kaga tashanayaan wixii laga yeeli lahaa shirkadaha ku guuldaraystay inay shaqadoodda ka soo baxaan, isla markaana qashinka ka guraandegmooyinkii loo xil saaray.
Shir aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen 21 xildhibaan oo ka mid ah 25 ka xildhibaan ee golaha deegaanka Hargeysa, ayaa cod u qaaday in shaqaddii Qashin Guridda ahayd ee ay u wakiisheen shirkadda Sabanaag iyo DHIS ay kala noqdaan, isla markaana shirkadii buuxin lahayd degmooyinkaasi ay xayeysiin doonaan si tartan loogu galo ciddii shaqadaasi qaadan lahayd.
Agaasimaha arrimaha bulshadda ee dawladda Hoose Hargeysa Khadar Yuusuf Cali ayaa xildhibaanada warbixin ka siiyey siday ay u qiimeeyeen afarta shirkadood ee qashinka ka guro magaaladda iyo sida ay dadweynuhu uga cabanayaan qashinka buuxa magaaladda.
Khadar Yuusuf ayaa sheegay in degmooyinka magaaladdu ka koobantahay ay ka hawlgalaan afar shirkadood oo kala ah shirkadda KEEPS oo qaabilsan degmadda Koodbuur, TABSAN oo qaabilsan degmadda gacanlibaax, shirkadda DHIS oo qaabilsan degmadda 26 june, shirkadda SABAWANAAG oo qaabilsan Degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, 31 May iyo waliba Suuqa dhexe.
Agaasimaha ayaa sheegay in sababta dawlada hoose heshiishka ula galeen shirkadaha tahay Public Private Partnership (PPP) oo looga jeedday in shaqo abuuris loo sameeyo bulshadda, in la dhiirigaliyo ganacsiga gaarka ah, in la hiigsaddo habka ay u shaqeeyaan wadamada aynu jaarka nahay oo ah Door to Door Collection System u shaqeeya.
Dood dheer ka dib waxa cod loo qaaday in labadan shirkadood shaqadda laga joojiyo iyo in aan laga joojin, waxaana 20 xildhibaan isku raaceen in shaqadda laga joojiyo, halka hal xildhibaan diiday gudoomiyuhuna aanu codeyn, sidaasna u noqotay go’aan ah in shaqadda laga joojiyo.
Hadaba, labadan shirkadood ayaa lagu eedeeyey inay ka soo bixi waayeen shuruudihii lagu xidhay, isla markaana muddo laga war sugayey inay qashinka badan ee laga cabanayo wax ka qabato, maadaama oo inta badan dadweynuhu ka cawdaan qashinka magaaladda ka buuxa.
Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa ayaa xildhibaanadda u qabiyey xeerka fayo dhawrka caasimadda, kuwaas oo ka doodi doonna xeerka uu yeelan doono fayo dhawrka caasimaddu.
Si kastaba ha ahaateen, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa si weyn uga cawdo qashinka, isla markaana shirkadihii lacagta ku qaadanayey inay guraan iska dhayalsadeen, taas oo keentay inay afarta shirkadood qiimeyn lagu sameeyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland