Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socta maxkamada ciidamada qalabka sida iyo hay’addaha danbi-baarista dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib dil habeen hore magaalada loogu geystay Col Xaashi Xuseen Diiriye oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay gurigiisa ku toogteen sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin saraakiisha ayaa HOL u sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay baarista kiiska ku saabsan dilka iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.
“Saraakiisha waxaa ay ka kooban yihiin xubno ka socda maxkamada ciidamada iyo waliba hay’addaha danbi-baarista, dabcan ujeedada socdaalkoodana baaritaan lagu sameynayo falkii uu ku dhintay Col Xaashi,’’ sidaa waxaa HOL u sheegay mid ka mida ah saraakiisha maamulka.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay siweyn uga xun yihiin falka dhacay, islamarkaana go'aan sharci ah laga gaari doono.
Dibadbaxayaal carreysan ayaa maalintii shalay rabashado ka dhigay magaalada Beledweyne, iyaga oo dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka sarkaalka, waana tan keentay ayaa la oran karaa in durbaba dowladdu guda-gasho baaritaanka arintan ku saabsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya