Mas’uuliyiinta ka socday Degmada Borlänge oo la kulmay Jaaliyado Soomaaliyeed oo ka dhisan Degmada


Khamiis, December 22, 2011(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Borlänge ee dalka Sweden oo uu horkacayay Guddoomiyaha Degmada Kenneth Persson ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Jaaliyado ka dhisan Degmada Borlänge, waxayna laba dhinac ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan is-dhexgalka iyo sidii loo horumarin lahaa Soomaalida ku dhaqan magaalada Borlänge. Kulanka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Tjärna Ängar, gaar ahaan Daarta No. 10.

Kulanka oo isugu jiray ka hadalka arrimaha horumarinta Soomaalida iyo casho sharaf loo sameeyay mas’uuliyiinta Degmada ayaa waxaa furay guddoomiyaha Somaliska Förening Ismail Mohamud Shire oo soo dhaweeyay madaxda degmada, isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin jaaliyado ahaan in ay la kulmaan madaxda degmada iyo kuwa shirkadda guryaha ee Tunabyggan.

Sidoo kale, waxaa soo dhaweynta ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed C/qaadir Maxamed Axmed Cagma-dhige oo isna soo dhaweeyay mas’uuliyiinta degmada kaddibna waxaa la guda galay wada hadalkii kulanka.

Labada dhinac ayaa waxay si aad ah uga doodeen arrimo ku saabsan horumarinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Borlänge, gaar ahaan sidii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa in ay la jaan-qaadaan bulshooyinka kale ee ku dhaqan Magaalada Borlänge.


Mas’uuliyiinta Jaaliyadaha Somalisk Förening i Borlänge iyo Afrikas Horn Kultur Center ayaa waxay ka codsadeen madaxdii ay la kulmeen in gacan lagu siiyo barnaamijyo ay doonayaan in ay dadka Soomaaliyeed ku horumariyaan, waxayna madaxda degmadu soo dhaweeyeen codsigaas, iyadoo dhanka madaxda Soomaalidana laga codsaday in ay waxqabad la taaban karo muujiyaan.

Kulanka waxaa kaloo ka qeybgalay guddoomiyaha guddiga isdhaxalgalka Nils Gossas, Guddoomiyaha shirkada Tunabyggen Olle Rigborn iyo Mareeyaha Shirkada Tunabyggen Jörgen Olsson oo isagu shirkadda ku cusub, isla markaana la wareegi doona xilkaas 1-da Janaayo 2012, waxayna dhammaantood soo dhaweeyay waxqabadka ay hiigsanayaan Jaaliyadaha Somalisk Förening i Borlänge iyo Afrikas Horn Kultur Center.

Gunaanadkii kulanka ayaa waxay labada dhinac isku afgarteen in la sii wado kulamada, ayna si joogto ah u kala warqaataan, iyadoo madaxdii ka socotay Degmada Borlänge iyo Shirkadda Tunabyggan ay sheegeen in ay horumar la jecel yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Borlänge.

Ugu dambeyntiina, waxaa la wada qaatay casho sharaftii, iyadoo kulankana uu ku soo gebageboobay jawi is-afgarad leh.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]


 

More News